11 Qof Oo Isku Qoys Keliya Ah Oo Dhammaantood Ku Biiray Kooxda Daacish

0
565

Picture10Paris (Geeska)-  Warar laga helay hayadaha garsoorka dalka Faransiiska ayaa arbacadii toddobaadkii ina dhaafay sheegay in 11 ruux oo isku qoys keliya ah looga shakisan yahay in ay dalka Faransiiska uga baxeen dhinaca Suuriya si ay ugu biiraan dagaalka halkaas ka socda. Warkan oo ku soo beegmay xilli ay dowladda Faransiisku muwaadiniinteeda u diidayso in ay u safraan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa sabab u noqday in Laanta la dagaallanka argagaxisada ee xeer-ilaalinta guud ee dalkaasi ay furto baadhitaan horudhac ah oo lagu raadinaya xogo la xidhiidha maqnaanshiyaha qoyskaas iyo warkooda, waxa aanay xeer ilaalintu baadhista arrintan u xil saaratay hayadda qaranka ee amniga gudaha dalka Faransiiska.

Qoyskan deggenaa magaalada Nice ee Koonfurta dalka Faransiiska ayaa la sheegay in ay dabayaaqadii bishii Sagaalaad ee ina dhaaftay ay ka tageen dalka Faransiiska, waxa aanay ka koobnaayeen 11 Qof oo ahaa Nin, laba hablood oo ay walaalo yihiin, hooyadood iyo ragga qabay qaar ka mid ah hablihiisa iyo weliba dumarka ay qabeen carruurtiisa wiilasha ahi, waxaana ku jiray wiil yar oo keliya.

Tan iyo bilowgii sannadkan oo keliya waxaa dalka Faransiiska laga furay in ka badna toddobaatan baadhitaan oo la xidhiidha shabakado Suuriya ka dagaallama, waxaana la og yahay in ku dhowaad kun qof oo Faransiis ahi ay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda Suuriya, gaar ahaan kuwa ay wadaan ururrada Islaamiyiinta oo ay Daacish ka mid tahay,iyada oo ay dhowaan uun ahayd markii raysalwasaaraha dalka Faransiiska Manuel Valls uu xaqiijiyey in 580 qof oo dalkiisa u dhashay ay ka garab dagaalamaan jabhadaha hubaysan ee dalka Suuriya ka hawlgala. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka wararka ee France 24 waxa uu intaas ku daray in dalka Faransiiska oo ay ku nooshahay jaaliyadda Muslimka ah ee ugu badan qaaradda Yurub oo dhan ay ka tageen dadka jihad doonka ah ee sidoo kale ugu badan ee ka tagay qaaradda Yurub si ay uga qayb qaataan dagaallada Daacish iyo Islaamiyiinta kale wadaan ee Suuriya iyo Ciraaq.