Shan Maaddo Oo Ay Khatar Tahay In Wejiga La Mariyo .. Waxaa Ka Mid Ah Liin Dhanaanta

0
1073

Waxaa adduunyada ku soo kordhaya in is qurxinta iyo nadaafadda loo isticmaalo dawo-guri ay dadku iyagu farsamaystaan oo ay u arkaan in ay ka tayo fiicantahay dawooyinka kiimikada ah. Waa xaqiiq in kalsoonida lagu qabo dawada dabiiciga ahi ay ka badan tahay tan lagu qabo dawooyinka kiimikada ah oo iyaga ay mar kasta ku lammaantahay heer uun khatar ahi, laakiin taas macnaheedu ma’aha in dawada dabiiciga ahina ay boqolkiiba 100 badqabto. Marka ay tahay dawo uu qofku iskii gurigiisa ugu dhex farsamaystayna waa ay sii kordhaysaa muhiimadda ay leedahay in laga taxaddaro.

Majaladda Vriendin Magazine oo ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa ka digtay in maqaarka la mariyo muudka liin dhanaanta, alkahoosha, miyooneeska, budada khamiirka iyo qorofalka. Maadaama oo ay dhammaantood khatar ku yihiin caafimaadka maqaarka.

Majaladda Vriendin oo arrimaha caafimaadka iyo quruxda ka faalloota ayaa warbixin ay arrintan ka qortay ku sheegtay in muudka liindhanaantu ay sababto in maqaarka jidhka ay la falgasho asiidhka ku jirta maaddooyinkani. Asiidhka liin dhanaanta ayaa ay warbixintu sheegtay in ay keento khalkhal ku keento halbeegga qiyaasta asiidhka maqaarka. Sida oo kale asiidhu waxa ay maqaarka ku keentaa gubasho iyo boogo, waxa aanay u nuglaysaa dhibaatada ka dhalata fallaadhaha qorraxda.

Waxyaabaha kale ee aynu soo xusnay ayaa iyaguna dhammaantood keena khataro kala duwan, tusaale ahaan waxaa jira dad maqaarka ku dahaadha budada khamiirka, waxa se ay xeeldheereyaasha caafimaadka maqaarku caddeeyeen in ay dhaawacdo lakabka saree e maqaarka, taasina ay u nuglayso dhiigroorka iyo in uu boogo yeesho. Al-kahooshu waxa ay maqaarka ka dishaa qoyaanka dabiiciga ah, barootiinka iyo duxda, waxa aanu burburiyaa teedka dabiiciga ah ee ilaaliya caafimaadka maqaarka. Miyooneesku waxa uu xidha daloolada dabiiciga ah ee maqaarka, waxaana ka dhasha finan iyo nabarro ku samaysma, qorafalkuna waxa uu gubaaa maqaarka.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo uu qofku isticmaalayo dawo-guri ama kijadiisa ka dhex samaysanayo wax uu isku qurxiyo in uu u baahan yahay in uu marka hore shay kasta maaddooyinka ku jira barto, kaddibna khatarta ka dhalan karta ogaado.