“Waddooyinka Oo Aynu Hagaajisano Waa Mid Ka Mid Ah Danaha Guud Ee Dadku Wada Leeyahay..” Xil. Nac-nac

0
623

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku baaqay in Waddooyinka kala duwan ee dalka la hagaajiyo, lagana wada qayb-qaato, waxaanu ka digay shilalka gaadiidka oo muddooyinkii dambe aad u soo badanayey.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Hadda Waddo ayaanu hagaajinaynaa oo aanu samaynaynaa, Waddooyinka oo la hagaajiyo waa xasanaad iyo khayr, markaas in Waddadan aanu hadda wadno, Waddada Baligubadle iyo guud ahaan Waddooyinka kala duwan ee dalka in la sameeyo oo la hagaajiyo, lagana wada qayb-qaato ayaa muhiim ah, Waddooyinka oo aynu hagaajisano waa mid ka mid ah danaha guud ee dadku wada leeyahay”.

Mar uu ka hadlayey shilalka gaadiidka ayuu yidhi “Inkasta oo wax walba uu ILLAAHAY qoray, haddana maalmihii ugu dambeeyey shilal kala duwan ayaa dhacay, shilalkaasina waxay geysteen dhimasho iyo dhaawac ee Dirawallada gaadiidka wada inay taxadir badan muujiyaan oo masuuliyad isa saaran ayaa loo baahan yaha. Ta kale Waddooyinka oo la hagaajiyaana waxay sababi karaan in shilalku inaga yaraadan, inkasta oo uu ILLAAHAY qoray wax walba oo dhacaya”.

Dhanka kale, wuxuu Xildhibaan Nacnac, ku baaqay in madaama lagu jiro wakhtigii qaboobaha in dadka aan huga haysan ee danyarta ah in la caawiyo.

Geeska.net/Hargeisa Office