Shan Dal Oo Jinsiyaddooda Iib Lagu Heli Karo

0
681

Hargeysa (Geeska)- Meelo badan oo dunida ka mid ah, dadka waxa ay dhibaato weyni ka haysataa in dalal ay joogaan ay ka helaan baasaboorro, xitaa mararka qaarkood iyaga oo isku tirinaya in ay xaq u leeyihiin marka loo eego shuruucda dalkaas ama hab-dhaqanka caalamiga ah ee jinsiyad bixinta, laakiin waxaa yaab leh in ay sidoo kale jiraan dalal ka mid ah dunidan oo waxa keliya ee kaa cilinaya in aan jinsiyaddooda heshaa ay tahay in aad lacag badan bixiso. Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa shan ka mid ah dalalkaas:

1. Malta: Jamhuuriyadda Malta ayaa dhowaan si rasmi ah u sharciyeysay in jinsiyaddeeda laga iibin doono qof kasta oo qariib ah, keliya haddii uu iska bixiyo lacagteeda oo ah 650 kun oo lacagta Midowga Yurub ah. Tallaabadan ayaa ay dowladdu ku sheegtay mid la doonayo in lagu firfircoonaysiiyo dhaqaalaha dalka, laguna soo jiito maal-gashadayaal caalami ahi in ay yimaaddaan. Xukuumadda Malta waxa ay filaysaa in sannadkan ay filayso in dakhliga ka soo galo jinsiyadda dalka ee la iibiyaa uu gaadhi doono 30 Milyan oo Lacagta Yurub ah, taas oo macnaheedu yahay in sannadkan oo ah kii ugu horreeyey ee nidaamkani hirgalo ay jinsiyadda dalkaas iib ku heli doonaan 45 ruux.

2. Ireland: Si aad u hesho jinsiyadda dalkan waxa ay hore u ahaan jirtay in aad ku negaato ugu yaraan 5 sano, ama in aad guursato gabadh dalkaas u dhalatay, laakiin laga bilaabo sannadkii 1990kii, sharcigaas wax-ka-beddel ayaa lagu sameeyey, waxa aanay dowladdu ogolaatay in ganacsatada iyo maal-gashadayaasha ajaanibka ah ee lacago badan dalka soo gelinaya la siiyo jinsiyadda dalkaas, si loo sii dhiirri geliyo in ay kuwo kalana yimaaddaan, arrintaas oo si weyn u caawinaysa in ay kor u kacaan dhaqaalaha iyo guud ahaanba hab-nololeedka dalkaasi.

3. Jamhuuriyadda Dominican: Dominican waa jasiirad aad u yar oo ku taalla badda Caribbean ee Latin Ameerika, aadna ugu dhow dalka Venezuela. Jamhuuriyaddan oo dadkeedu 10 milyan gaadhayaan waxaa haysta dhaqaale xumo muddo dheer ay la kifaaxaysay, dawooyinka ay dhaqaale xumadaas kula tacaashayna waxaa ka mid ah in ay dowladdu soo saartay sharci ogolaanaya in qof kasta oo bixiya 100 kun oo Lacagta Yurub ah, la siiyo jinsiyadda Jamhuuriyadda Dominican iyada oo aan weliba laga qaadayn ama sharci ahaan loo diidayn in uu haysto jinsiyaddiisa hore.

4. Belize: Waa dal ku yaalla xeebaha woqooyiga-bari ee badhtamaha qaaradda Ameerika, dalkan oo tirada dadkiisu ay tahay 341 kun oo qof oo keliya, ayaa shuruucdiisa jinsiyad bixintu ay ogoshay in uu jinsiyadda dalka helo ruux kasta oo da’diisu ka weyn tahay 45 jir, oo hawlgab ka noqday shaqada, weliba jinsiyadda oo keliya lama siinayo ee waxaa ruuxaas laga dhaafayaa cashuuraha ku waajiba, waxaana la siinayaa meel uu dego. Haddii laga tegi waayo shardiga keliya ee ku xidhani waa in dakhliga qofkan soo gala aanu ka badnayn 24 kun oo doolar sannadkii.

5. Macau: Waa dowlad aad u yar oo ku taalla xeebaha koonfureed ee dalka Shiinaha, waxaa hore u haysan jiray dalka Portugal, laakiin imika waxa ay raacsan tahay dalka China. Waxa ay la nidaam tahay Hong Kong oo ah dhul maamulkiisa u madax bannaan laakiin haddana ka tirsan dalweynaha China. Dalkan oo dadkiisu yihiin 624 kun oo qof waxaa ku yaalla xarun aad u weyn oo lagu khamaaro, waxaana la aaminsan yahay in xaruntan khamaarku ay tahay isha dakhli ee ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalkaas oo dhan dhaq-dhaqaajisa. Maadaama oo uu khamaarku sharci ka yahayna waxaa isugu yimaadda maalqabeennada khamaarka ku bahaloobay ee dunida oo dhan.

In kasta oo uu dalkani aad u yar yahay, haddana waxaa u yimaadda codsiyo tiro badan oo jinsiyad doon ah, sidaa awgeed waxa uu soo saaray sharci lagu dhaqayo bixinta jinsiyadaha dalka oo ah in qofka doonaya jinsiyadda lagaga iibiyo 125 kun oo ah lacagta dalalka Yurub.