Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inay Hakisay Dhaqdhaqaaqa Shaqaalaheeda Ku Sugan Muqdisho Ka Dib Qaraxii Shalay Lala Beegsaday

0
571

Picture7Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Qaramada Midoobay ayaa xayiraad saartay dhaqdhaqaaqa shaqaalaheeda ku sugan caasimadda Somaliya ee Muqdisho, inta ay socoto baadhista qaraxii shalay lala beegsaday, waxaana muuqata in amnigii caasimadda Somaliya ee Muqdisho uu faraha ka sii baxayo.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, dad kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo lala beegsaday kolonyo gaadiidka Qaramada Midoobay ah oo siday shaqaale ku socday madaarka oo ka tagay xafiiskooda.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ee Somaliya Mr. Aleem Siddique, ayaa idaacadda Radio France International u sheegay in la hakiyay dhaqdhaqaaqa shaqaalaha Qaramada Midoobay, “Waxaanu si ku meelgaadh ah u hakintay dhaqdhaqaaqa shaqaalaha Qaramada Midoobay inta ay socoto hawsha baadhistu.” Ayuu yidhi afhayeenkani, isagoo ka waramay qaraxa shalay dhacay oo uu cadeeyay inaanay cid ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay ku waxyeeloobin.

Qaraxa ayaa waxa gaystay ruux gaadhiga watay oo ka soo buuxiyay walxaha qaraxa, waxaana ku geeriyooday afar qof oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan Booliska Somaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa ka mid ah goobaha aadka loo ilaaliyo ee caasimada Muqdisho ee Somaliya, waxaana wakhtigaas qaraxu dhacay ka hor ka dhoofay madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaana agagaarka madaarka hoy ku leh safaaradaha Ingiriiska iyo kuwo kale.

Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarkaas oo ay sheegtay inay la beegsatay calooshood u shaqaystayaal.

Caasimadda Somaliya ee Muqdisho, ayaa inkastoo ay dawladda Xasan Sheekh ku doodo inay amnigeeda sugtay, haddana waxa cadaatay inaan amniga Muqdisho la isku halayn karin, mana aha weerarkan is qarxinta ahi kii u horeeyay ee lagu qaado shaqaalaha Qaramada Midoobay. Shisheeyaha Muqdisho ku sugan ayaa aaminsan in amnigii caasimadda Somaliya ee Muqdisho uu faraha ka sii baxayo xilli uu khilaaf adagi u dhexeeyo Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha.