Shan Dabeecadood Oo Ay Gabadhu Ku Nacdo Ninka (2)

0
907

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad uguna dambaysay ee dabeecadihii shanta ahaa ee ay gabadhu ninka ku nacaysay, kuwaas oo uu wargeyskan Geeska Afrika qaybtii hore ku soo gudbiyey cadadkii kan ka horreeyey:

3. Canaadnimada (Madax adayga): Ma jiro rayi kama dambays ah oo aan dabadii la hadlin, mana jiro qof ku andacoon kara in aragtidiisu ay tahay tii ugu saxnayd marka loo eego kuwa ka soo horjeeda, sidaa awgeed mar kasta waxa ay quruxda wada noolaanshiyaha iyo is-fahamku ku jiraan in la is dhegeysto, rayiga kala duwan la tixgeliyo, qofkuna inta aanu rayigiisa ku go’aan qaadan uu dhegeysto fikirka ka soo horjeedo, intaas wixii ak soo hadhaa waa madax adayg iyo canaadnimo waana cudur dadka kala fogeeya, marka ay lammaanaha isqaba noqotana canaadnimadu waa cadow qoyskooda si sahal ah u burburin kara, waayo midkoodna kan kale kuma wadi karo in badan, caadi ahaanna waxaa la og yahay in marka ay qoyska dhexdiisa noqoto ay canaadnimadu ku badan tahay ninka.

4. Quruxda oo la danayn waayo: Gabadhu dabeecad ahaan waxa ay u dhalatay qurux jacaylka, waxaana ku beeran ruux ah in ay mar kasta muuqaalkeeda duleed qurxiso, labbiskeeduna xarrago ahaado. Baadhitaanno dhinaca bulashada ah oo la sameeyey ayaa xaqiijiyey in gabadhu aanay quruxdaas nafteeda oo keliya la jeclayn, balse ay sidoo kale la jeceshay ninkeeda, oo ay ka hesho in uu noqdo mid xarago badan, muuqaalkiisa duleedka qurux badan yahay, haddii kale waxa ay karahiyeysataa in ay raacdo nin aan dan ka lahayn quruxda naftiisa, ugu yaraan culays iyo dhib ayaa ay dareentaa in ay lagu ag arko.

5. Shakiga: Hinaasuhu waa shucuur aadamenimo, oo ay suurtogal tahay in loo helo marmarsiiyo iyo cudur daar loogu dul qaadan karo, waxaabay dadka qaar u yaqaannaan in uu yahay lexe-jeclo ruuxa ka gashay ruuxan kale, oo jacayl uu muujinayo, laakiin waxa ay dad badani ku qaldaan shakiga oo ah in ruuxu uu tuhmo in ruuxan ay qoyska wada leeyihiin xidhiidho kale oo xaaraan ah ku lug leeyahay. Ninka shakiga badani nolosha gabadha cadaab ayaa uu u beddelaa, waxa uu kula xisaabtamaa wax uu arkayo iyo wax aanu arkaynba, wax uu garanayo iyo wax aanu garanaynba. Haddii ay gabadhu bilowga hore ee qoyska ninkeeda ugu adkaysato shakiga, waa uu jacaylka oo weli xooggan iyo dulqaad dumarka lagu yaqaanno bilowga hore ee dhismaha qoyska iyo iyada oo jecel in ay badbaadiso jacaylka, nolosha qoysnimada iyo mustaqbalka ubadkeeda, laakiin in badan dulqaadkaasi ma sii socdo, aakhirkana waxa ay gaadhaa in ay nafaheeda uga baqdo ninka, oo ay qaadato go’aan kala fogaanshiyo ah.

Ninku waa in uu marka hore naftiisak u kalsoonaado oo uu xaqiijiyo in uu awood u leeyahay in xaaskiiga kaga filnaado baahida nin kale, dhinac kasta. Haddii aanu taas hubin waxba yaanu shakiyin ee marka horeba ha ka fikiro in uu naftiisa gal-dalooladeedaas soo buuxiyo haddii kale uu gabadha fasaxo. Sidaa awgeed dawada ugu fiican ee shakigu waa in ninku uu marka hore dib isugu noqdo oo uu kalsoonida naftiisa uu ku qabo qiimeeyo.