Madaxweynaha Faransiiska Oo Caqabad Kala Kulmay Sawir Laga Qaaday Isagoo Madax Kale La Taagan

0
538

Picture9London (Geeska)- Sannadkan 2014ku waxa uu fadeexado is-daba joog ah iyo dacaayado siyaasiya oo kulul ula kowsaday madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande oo tan iyo bilowgii sannadka marka uu mid ka soo kabtaba mid kale madaxa dhulka u dhigaysay. Waxa aynu xasuusannay fadeexaddii Julie Gayet oo ah jilaa filimada caan ku ah, oo dhowaan la ogaaday in ay xidhiidh jacayl muddo dheer si qarsoodi ah ula lahayd madaxweyne Hollande iyada oo aanay ogeyn haweenayda saxafiyadda caanka ah ee Valerie Trierweiler ee ay qudheeda wada nool yihiin madaxweynaha balse lagu og yahay, si rasmi ahna loogu aqoonsaday marwada koowaad. Muddo yar kadib waxaa soo baxay buug ay qortay Valerie Trierweiler oo sida muuqata ka hinaastay xidhiidhkaa uu la’ lahaa Julie waxa aanay buggeeda ku soo bandhigtay fadeexado badan oo la xidhiidha siyaasadda iyo xidhiidhka dumarka ee Hollande. Waxaana u dambaysay fadeexadda ka dhalatay sawir dhowaan warbaahintu soo bandhigtay oo muujinaya madaxweyne Hollande oo isaga oo dhex taagan madaxda dalalka NATO shirkoodii London, sida sawirka ka muuqata madaxdan oo ay ka mid yihiin saaxiibbadii Obama, Cameron iyo Angelo Markel iyo dhammaan xubnihii shirka ka qayb galay oo ku jira sawir wadareed ayaa eegaya jihada midigtooda ah ee cirka, laakiin Hollande isagu waxa uu u jeedaa dhinaca bidix. Sawirkan oo dadka naqdiya madaxweyne Hollande ay ku faafiyey bar-kulannada bulshada ee internet ka ayaa markiiba soo jiitay indhaha kumannaan dad ah oo si adag madaxweynaha Faransiiska ugu duray ereyo kakan iyo kelmado qaarkood gaadhsiisan deel-qaaf, sida mid dadkaas ka mid ah oo qoray, “Nin bilaa gabadh ah, jihadaa ka lunta”

Sawirro kale oo isla kulankani intii uu socday laga soo qaaday madaxweynaha Faransiiska ayaa laga arkay isaga oo ka weedday hab-dhaqankii diblumaasiyadda lagu yaqaannay, sida isaga oo jiho qaldan ka maraya qofka soo dhoweynaya iwm. In la arko madaxweyne Hollande oo xilli madaxdii kale ee NATO indhaha ku jeediyeen diyaarado dagaal oo dushooda dhoolla tusk u samaynayey uu isagu eegayo jiho kale waxa ay ugu yarana muujinaysaa in maskaxdiisu aanay la socon waxa ku xeeran ee ay meel kale ku maqnayd taasina waa ceebta ugu sahlan ee ay hoggaamintiisu ka dhaxli karto dadka sawirkan u soo qaatay tusaalaha, waayo waxaa jira kuwa aaminsan in uu sidaas mar walba uga indho xidhan yahay waxa dhacaya oo aanu awoodin in uu dalka Faransiiska hoggaamiyo. Si kastaba ha ahaato ee dadka difaacaya madaxweyne Hollande ayaa ku doodaya in sawirkani uu yahay mid khiyaamo ku jirto oo madaxweynaha lagu dhuftay xilli uu ka soo jeestay halka ay eegayeen saaxiibbadii oo qudhiisuna uu marka hore eegayey.