Xikmadda Laga Baran Karo Maahmaaho Ay Leeyihiin Bulshooyinka Kala Duwan Ee Dunida Ku Dhaqani

0
623

– Macaanka aargoosigu waa daqiiqado, laakiin saamaxaddu waxay naftay ku beertaa raalli ahaanshiyo abadiya. (Isbaanish)

– Inankaaga 5 sano ee noloshiisa ugu horreysa sida amiirka ula dhaqan, 10 sano ee xigana sida addoonka ula dhaqan, intaa kadibna sida saaxiibka ula macaamil. (Maahmaah Hindi ah)

– Jacaylkaaga xaaskaaga sii, Sirtaadana hooyadaa ku ogow (Irish)

– Jacaylka hadyadda quutaa, abidkii ma gaajo baxo (Ingiriis)

– In Caqligaaga aad cilmi ku hubayso ayaa ka khayr badan in aad jidhkaaga dheeman ku qurxiso. (Chinese)

– Raashin laga dhergay dhadhan ma yeesho (Scottish)

– Ninku waa carruur illaa ay hooyadii dhimanayso, maalinta ay xijaabatana si degdeg ah ayaa uu u gaboobaa (Ingiriis)

– Saaxiibtinimadu waxa ay u baahan tahay in ugu yaraan labada qof midkood sabro (Hindi)

– Indhuhu ma arkaan wixii aanay maskaxdu aragtidooda doonayn (Hindi)