Shan Calaamadood Oo Aad Ku Garan Karto Qofka Khalkhal Nafsadeed Uu Hayo

26
4580

Hargeysa (Geeska)- Xanuunnada nafsiga ahi waxa ay ka mid yihiin cudurrada aanay Soomaalidu aad u aqoonin, inta badanna qofka ay hayaan ay u arkaan ama qof is waalaya ama qof waalan oo in la xidh xidho u baahan. Waxaa jira xaalado nafsi ah oo qofka marka ay hayaan ku keena ficillo aynu inta badan u aragno kuwo doqonniimo ama arxandarro keenayso. Tusaale ahaan haddii aad aragto qof yaraantiisa xayawaannada aad u ciqaaba, ama ku raaxaysta ciqaabistooda, waxa ay calaamad u noqon kartaa in qofkaasi uu nafsi ahaan u buko.

Warbixin caafimaad oo ay qortay majaladda Newsweek ayaa ay ku soo bandhigtay shan calaamadood oo aynu ku garan karno dadka aan dhimirkoodu sax ahayn, laakiin sababtu ay tahay xaalad nafsi ah. Taas oo ah xaaladda uu cilminafsigu u yaqaannaa Psychopathy.

  1. Qof kasta waa laga heli karaa qaar ka mid ah calaamadaha bukaanka nafsiga ah:

Haddii aad aragto qofka oo aan wax dareen dembi ah ama murugo ah u qabin dhib uu wax ka qaban kari lahaa oo qof ku dhacday, ama aanu u beernugaylin dadka dhibaatadu haleesho, ama qofka oo hadal macaan qofka ku yidhaahda, keliya marka uu wax ka doonayo, dhammaan arrimahaasi waa calaamado muujinaya in uu qofkani nafsad ahaan buko.

  1. Qof kasta oo nafsad ahaan u buka macnaheedu ma’aha in uu maskax ahaan u buko (Waalanyahay): In kasta oo la ogyahay in inta badan ee dadka dilka geysta ama gacan ku dhiiglayaashu ay yihiin dad qaba xanuun nafsi ah, laakiin haddana qof kasta oo xanuun nafsiya qabaa dhiigyo cab ma noqdo.

Dadka nafsad ahaan u buka wxa aad ku garan kartaa in aad aragto iyaga oo xasiloon xill ay cabsiyi jirto. Taas oo ay dhakhaatiirtu ku macneeyeen in ay tahay dareennada ay cabsida iyo warwarku ka mid yihiin oo isu beddela in ay noqdaan dad xasiloon oo aan qiimayn Karin weynida khatarta runta ah ee jirta.

Qofka oo nafsiyan u buka ayaa ay marar badan dhacdaa in uu noqdo qof dadka kale soo jiita, iyo in uu awood u yeesho in uu si kalsooni ah khatarta u qaato, iyo in uu si adag u macaamilo, xooggana saaro ujeedooyinkiisa nololeed iyo qaadashada go’aamo qallafsan.

  1. Dadka Nafsad ahaan u bukaa waxa ay caan ku yihiin in ay jecel yihiin in ay qoyskooda ku ekaan waayaan:

In aad aragto ninka ama gabadha oo aan doonayn in uu guur waqti dheer a hku noolaado, ama in uu aabo noqdo oo uu nolol qoysnimo galo, waa calaamad kale oo muujinaysa in qof kaasi aanu nafsad ahaan u caafimaad qabin. Waxa ay culimada cilminafsigu aaminsan yihiin in qofku in uu naftisia uun ka fikiro, waajibaadka ka baqo, la xisaabtankana uu ka ordaa ay tahay xaalad nafsi ah oo qofka ka hor istaagta guurka.

  1. Kala duwanaanshiyaha calaamadaha xaaladaha nafsiga ah lagu garo ee ragga iyo dumarka:

Waxa ay culimada cilminafsigu aaminsanyihiin in tirada dumarka qaba cudurrada nafsiga ahi ay aad uga yar tahay tirada ragga, laakiin dumarka xanuunkan qabaa ay ragga kaga badan yihiin dhibaatooyinka xanuunku sababo ee warwarka iyo culayska nafsadeed ka mid yihiin.

Cilmibaadhisaha la sameeyey waxa ay muujinayaan in dumarka nafsad ahaan u bukaa, ay jecel yihiin xidhiidhada dhinaca dareenka ah ee ragga. Tusaale ahaan in si ka duwan sidii aynu ragga ku sheegnay, dumarka nafsad ahaan bukaa haddii aanay xaas lahayn ay jecel yihiin guurka iyo in a ynolol qoysnimo helaan iyo hooyonimo in ay gaadhaan.

Dadka nafsad ahaan u baka ma’aha dad shucuurtu ay qalbigooda ka dhimatay:

Waa run in dadka nafsad ahaan u buka lagu arko calaamado muujinaya arxan darro iyo shucuurtooda oo qallafsanaata, oo tusaale ahaan aanay dan badan ka gelin dhibta ku dhacaysa dadka ku xeeran. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in uu dareenkooda oo dhami dhintay. Dad badan ayaa iyaga oo nafsad ahaan u buka, haddana lagu arkaa dareennada dadka caafimaadka qaba oo kale, sdia farxadda, badhaadhaha, ka xumaanshiyaha, iwm.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here