Muddo 25 Sano Ah Oo Markii Ugu Horreysay 3 Maalmood Oo Is Xiga Aan Dhawaqa Rasaasta Laga Maqlay New York

42
4044

Washington (Geeska)- New York oo ah magaalada ugu weyn uguna dadka badan dalka Maraykanka, ayaa toddobaadkii hore ku faantay in ay horumar aad u muhiim ah ka gaadhay dhinaca ammaanka. Kaddib markii muddo 25 sano ah, markii ugu horreysay ay dhacday in saddex maalmood oo ahaa Jimce, Sabti iyo Axad oo toddobaadkii hore ah aan la maqal dhawaqa rasaaseed.

Magaaladan oo dadka ku nool tiradoodu ay kor u dhaafayso 8.6 milyan oo qof, ayaa ay u qaadan waa ku noqotay in saddex maalmood oo is xiga aanay xabbad rasaas ahi ka dhicin. Taliyaha booliiska New York James O’Neill oo dabayaaqadii toddobaadkii hore warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii ugu dambaysay ee ay sidan hadda oo kale dhacdo in saddex maalmood oo is xiga aanay xabbadi ka dhicin gudaha magaalada New York ay ahayd ka hor sannadkii 1993 kii. Taliyaha oo dadka reer New York ka raba in ay farxaddan la wadaagaan ayaa intaas ku sii daray, “Dadka reer New York waxa ay xaq u leeyihiin in ay faanaan, waayo guusha la gaadhay, ma’aha mid ay ammaanteeda leeyihiin hay’adaha ammaanka oo keliyi.

Dhinaca kalana duqa magaalada New York oo lagu magacaabo Bill de Blasio ayaa mar uu talefishanka Sky News uga warramayey arrintan uu isagu horumarka u arkayo, laakiin laga yaabo in dadyow badan ay la yaab ku noqoto, waxa uu yidhi, “In maalmihii dhammaadka toddobaadka rasaasi dhici weydaa, waa guul nooceedu dhif yahay, gaar ahaan marka la eego magaaladan oo tirada dadkeedu ay gaadhayso 8.6 Milyaan.”

Tirakoobyada booliiska New York ayaa diiwaangeliyey in sannadkan aynu ku jirno gudihiisa oo illaa bishan Oktoobar ah ay dhaceen 600 oo xaaladood oo ay xabbadi ka dhacday magaalada New York.

Haysashada hubka ayaa dalka Maraykanka ka ah xaq dastuurka dalku muwaadiniinta siiyey, laakiin waxa ay taasi geyeysiisay in uu ka mid noqdo dalalka dunida ugu badan ee dad aan waxba galabsan rasaas lagu dilo. Sannad kasta waxa rasaastaas ku naf waaya dad tiradoodu gaadhayso 30 kun o oruux.

Tobannaankii sano ee u dambeeyeyna waxa ay dood aad u adagi u dhexeysaa dadka ka doonaya in la laalo xaqa muwaadinka u ogolaanaya haysashada hubka iyo kuwa difaacaya oo u badan ganacsatada iyo warshadaha hubka iyo siyaasiyiinta ay maalgeliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here