Dacwadii U Dhaxaysay Jaamacada Hargeysa Iyo Jaamacada Hargeisa International University Oo La Soo Gunaanaday

0
739

Picture11?Hargeysa(Geeska)-Waxa Axadii toddobaadkan si rasmi ah ay maxkamadda gobalka Hargeysa u soo gunaanaday dacwad u dhaxaysay jaamacada Hargeysa iyo jaamacad kale oo la baxday Hargeisa International University.

Jaamacada Hargeysa ayaa dacwad ku oogtay jaamacadan cusub oo uu aasaasay Dr. Cabdi Gaas oo hore guddoomiye uga ahaa jaamacada Hargeysa, waxaanay jaamacada Hargeysa jaamacadan ku eedaysay inay si sharci darro ah magaceeda u qaadatay.

Dacwadan oo bilaabantay toddobaadkii hore islamarkaana ay ka qayb galeen qareeno kala metelayay labada jaamacadood iyo madaxda jaamacada Hargeysa iyo madaxda jaamacadan HIU, ayaa fadhigii labaad oo loo balansanaa Axadii doraad waxa uu noqday mid soo gunaanada geedi socodka dacwada, ka dib markii uu maamulka Jaamacada HIU maxkamadda u sheegay inay ka tanaasuleen qaadashada magaca Hargeysa islamarkaana ay la baxeen Maroodi-jeex University.

Waxaana halkaas ku oodantay dacwadii u dhaxaysay labada jaamacadood, waxaana la filayaa inay maxkamadda gobalka Hargeysa soo saarto go’aanka gunaanadka dacwadan u dhaxaysay jaamacadaha.