“UDUB Cid Kale May Ridin, Laakiin Waxa Riday Gudiga Dorashoyinka Iyo Guddida Diiwangalinta”

0
3682

 

Picture4Hargaysa( Geeska )-Cali Maxamed  Waran-cade oo ah murashaxa jagada Madaxweynimo  ee xisbiga UDUB, ayaa ku tilmaamay dhexdhexaadintii shir gudoonka golaha guuritda mid guuldaraystay. waxa kale oo uu sheegay in guddida diiwaangalintu khatar ku yihiin amaanka Somaliland, isaga oo tilmaamay in guddida diiwaangalinta ay ka suurtodo inay ururka ay doonaana ridaan, ka ay doonaana soo saaraan, taasi oo khalkhal ku ridi karta amaanka dalka.

 

Hadalkan ayuu ku sheegay  Warancade mar uu shalay warbaahinta la hadlaayay waxaana uu sheegay in   shir-guddoonadu aanay dhex ka ahayn arrintan, isaga oo ka digay  cawaaqib xumada ka dhalan karta tallaabadii ay qaadeen guddida diiwaangelintu.

Cali Waran-cadde isaga oo arimaha ka hadlaaya waxa uu yidhi “UDUB cid kale may ridin, laakiin waxa riday imikana saaxada ka saaraya Komiishanka doorashooyinka iyo guddida diiwaangalinta ururada siyaasada, waxaanan cadaynayaa in aniga musharaxnimadaydu waxay ku tahay si sharci ah, waayo waxa I doortay golaha dhexe ee xisbiga, waxaana fadhiyay 107 ergay, waxaana I doortay 100 ergay, marka intaasi I dooratana waxa ansixinaya shirwaynaha, laakiin waxyaabaha aan la yaabanahay ee warwarka wayn igu haya ee aan ka baqayo inay dalka halis galiso, waxa jira Musharax ila mid ah, Musharaxa UCID, waxa musharaxnimada xisbiga ku wareejiyey Guddoomiye Faysal Cali Waraabe inta ay munaasibad sameeyeen, shirkii golaha dhexena may samaynin, ilaa maantana wuu joogaa oo lamay hadal guddida diwaangalintu, markaa waxaan ka warwar qabbaa nimanka diwaangalinta ee aniga iyo UDUB u badheedhay halkay joogaan ururadii masaakiinta ahaa sow kii la doonana ridi maayaan”

Warancade waxa uu intaas raaciyay  “Ta kale, Guddoomiyaha Kulmiye waxa ku wareejiyay odeyga Madaxwaynaha ah oo wali shir lama qabban sidaan filayo, markaa waxa UDUB ka uray ee doorashada lagaga reebay anigu ma garanayo, masuuliyadaana waxa iska leh Komiishanka qaranka, guddida diiwaangalinta”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya nuxurka qoraal uu hore ugu dhaliilay Guddoomiyaha Guurtida oo waxba ka qaban kari waayay khilaafka dhex yaala UDUB iyo Guddida diwaangalinta, qoraalkaasi oo uu ku xusay in Saleebaan Nuur taariikh xun ku leeyahay Somaliland “Guurtiduna iyaddaa xalisa wixii dhibaato ah ee dalka ka dhaca, laakiin waxaad moodaysay in Guddoomiyaha Guurtidu ka gaabiyey oo hawshaa waxba kamuu qaban, Madaxda Somaliland taariikh ayay leeyihiin, markaa haddii aan ku gefayna xaal-baan siinayaa (Guddoomiyaha Guurtida), haddii ay wax ka jiraana wax jira ayaan dadka xasuusiyay, aniguna waligayba shacabka Somaliland kumaan ridin xabbad, waxaan ahaa kii dhex taagnaa ee tollaayeyda hayey ee qolaba dhinac u riixayey, waligayna dagaal sokeeye maan galin.”