Shabakad Loo Diyaariyey In Dadka Ku Mudaharaada Madaxweyne Trump Ay Pizza U Qaybiso Si Aanay U Kala Tegin

0
884

1Washington (Geeska)- Waxaa dhowaan lasameeyey degel internet ka ah oo dadka dibad baxayaasha ah ee shaaracyada Maraykanka  kaga mudaharaadaya go’aamada socdaalka ee madaxweynaha  cusubi, ay si fudud uga dalban karaan Pizza bilaa lacag ah, oo halkooda loogu keenayo.

Barnaamijkan oo looga gol leeyahay in dadka dibad-baxa samaynaya lagu dhiirrigeliyo in ay sii wadaan dibad baxyada, marka ay gaajo dareemaanna dalbadaan Pizza, oo ah nooca cunto ee ay dadka Maraykanku ugu jecel yihiin.

Kooxda isu abaabushay in ay hawsan gutaan ayaa sheegaya in aanay iyagu si gaar ah mawqif siyaasiya u lahayn, laakiin haddana ay diyaar u yihiin in dibad-baxayaashaay cuntooyin gaadhsiiyaan meel kasta oo ay joogaan.

Scott Duncombe oo ah ninka iska leh fikirka lagu curiyey barnaamijkan ayaa sheegay in bilowgii u horreeyey ay barnaamijkan ugu talogaleen in ay ka faa’idaystaan dadka safafka ugu jira doorashadii madaxweynaha, laakiin markii dambe ee doorashadu dhammaatay ayaa waxaa soo baxay dibad-baxyo kala duwan oo lagaga soo horjeeday, madaxweynimada uu ku guulaystay Trump, waxa aana mar kale soo baxday baahida cunto ee dadku la kulmaan xilliga dibad baxyada, taas oo aalaaba ka hortagta in qofku saacado badan joogo, laakiin Scott Duncombe oo ah aasaasaha barnaamijkan isaga oo kaashanaya xaaskiisa iyo saaxiibkii ayaa doonaya in aanay dadku kala tegin markaay dibad baxa bilaabaan ee ay halkoodaku helaan cuntada, gaar ahana Pizza bilaa lacag ah oo diirran in qof kasta halkiisa loogu geeyo.

Barnaamijkan waxaa lagu bilaabay kumannaan qof oo dhowaan gegida diyaaradaha ee John F. Kennedy ka samayeey dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan go’aamada madaxweyne Trump soo geliddada dalkiisa ugu diiday muwaadiniinta lix dal oo muslim ah. “Waxa ay ila  tahay in Pizza ay qayb muhiim ah ka noqoto dibad baxan” ayaa uu yidhi Duncombe, oo isaga iyo kooxdiisani ay qorshahan illaa hadda ku maalgeliyeen lacag ka badan 43 kun oo doolarka Maraykanka.