Muwaadin Reer Masar Ah Oo Sicir Bararka Dalkiisa Kaga Jawaabay In Uu Gacantiisa Ku Samaysto Qalabka Gurigiisa

0
692

1Qaahira (Geeska)- Ashraf Al-Khatiib oo Imaam ka ah masjid ku yaalla dalkaMasar, ayaa curiyey fikir uu ku samaysanayo qalabka gogosha ee gurigiisa, si uu uga samato baxo sicir bararka dalkaas ka jiray muddooyinkii dambe oo si gaarah u gaadhay dhinaca qalabka Farniijarka guryaha la dhigto.

Ashraf oo la hadlay shabakadda wararka ee Al-Carabiya, waxaa hadalladiisa oo Geeska Afrika uu turjumay ka mid ahaa, “Aniga iyo qoyskayga oo 9 ruux ka koobani waxa aanu degenahay gurigayga, oo cidhiidhi nagu noqday, kadibna waxa aan ku qasbanaaday in aan dabaqsare saaro guriga, markii aan dhammeeyey, haddana waxaa qasab noqotay in aan laba qol u goglo carruurtayda, taas oo noqonaysa in qalabka aan dhigayo ee sariiraha iyo kabadhadha ah oo keliya qiimihiisu yahay 30 kun oo Giniga dalka Masar ah. Markii uu xaal halkaa marayey ayaa aan ka fikiray jid kale oo aan gurigan ku gogli karo, aniga oo aanu kharash badani iga baxayn.

Waxa aan soo iibsaday labanka yaryar ee guryaha kadibna nin wastaad ah ayaa aan u sheegay fikirkayga ahaa in sariir uu dhiso, oo dhinacyadii iyo rukunnadii iyo dhexdii ay saxdu ku fadhiisanaysayba dhisme ka dhigo. Jaajuurkaas oo qurux badan ayaauu dhisay oo sibidhna ku sameeyey. Isaga o dhexdana isla jaajuurkii si farsamo fiican ugu soo buuxiyey. Kadib wawxa ay noqotay sariir ka samaysan jaajuur yaryar oo qurux badan”Al-Khatiib waxa uu sheegay in markii sariirtan lagu goglay furaash cudbi ah ay noqotay sariir qurux badan oo aadu adag, cimrigeedu dheer yahay, sidaa si la mid ahna waxa uu u sancaystay kabadhki iyo kuraastii yaryarayd ee ay carruurtu ku fadhiisan lahaayeen.

Alkhatiib oo ka hadlay qiimaha isku dar ay ku kacday gogliddii guriga ee markii hore 30 kun loogu sheegay, Marka la iskudaro qolka waxa galay oo dhami waxa uu noqday 4 kun oo Gini” ayaa uu yidhi.

Al-Khatiib oo ku talinaya in fikirkiisan laga faa’idaystaa waxa uu dhalinyarada guurka u diyaarka ah ee kharashka ka cabsi qabakula taliyey in ay sidan oo kale yeelaan, si ay uga baxsadaan sicir bararka oo keenay in la hawaysan kari waayo kharashka xad dhaafka ah ee qalabka guryaha la siinayo.