Kaneeco Adkaysi U Leh Dawada Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Ka Dillaacdo Afrika Iyo Meelo Kale Oo Dunida Ka Mid Ah

0
800

1Cilmibaadhayaal caafimaad ayaa ka digay nooc cusub oo ah xanuunka duumada oo adkaysi u leh dawooyinkii hore loogula tacaali jiray cudurka faraha baas ku haya dunida soo koraysa, gaar ahaan qaaraddeenna Afrika. Xanuunkan duumada oo uu aadamaha gaadhsiiyo dulin raaca qaniinyada kaneecada, dawada ugu fiican ee hadda lagu daweeyaa waa Artemisinin oo laga soo dhiraandhirriyey dhir si aad ah uga baxda dhulka Shiinaha, taas oo Toddobaatanaadkii ay heshay Tu Touyou oo ah saynisyahannad caan ah oo u dhalatay dalka Shiinaha. Cilmibaadhis iyo shaybaadho kala duwan oo tobankii sano ee u dambeeyey ay wadeen khubarada caafimaadka ayaa sida lagu baahiyey majaladda The Lancet waxa ay ku ogaadeen in uu soo baxay jiil cusub oo cudurka duumadaah oo adkaysi u leh dawadan iyo dawooyinka kale ee lagula tacaali jiray cudurka Duumada.

Duumadan fallaagada ah ayaa ay saynisyahannadu sheegeen in markii ugu horreysay uu sannadkii 2007 ka dillaacay Galbeedka dalka Cambodia, ee ku yaalla Koonfurta Bari ee Eeshiya, kadibna uu ku faafay woqooyiga bari ee dalka Thailand, bariga Burma iyo dalal kale oo soo gaadhay illaa dalka Hindiya, waxa aanu khatar badan ku hayaa qaaraddan Afrika oo marka horeba cudurka duumada nooceeda dawadu dishaa faro baas ku hayey tobannaan sano.