Saynisyahanno Helay Meere Aan Dhulka Ahayn Oo Leh Biyo, Oogadiisana Nololi Ka Suurtageli Karto

0
884

Washington (Geeska)- Koox cilmibaadhayaal caaliya ah oo ka socday jaamacado kala duwan ayaa ku dhawaaqay in markii ugu horreysay adduunka ay ogaadeen mere cusub oo dhaca bannaanka bahda qorraxdu midaysay ee baha cadceed (Solar system). Meerahan ayaa ay saynisyahannadu sheegeen in muhiimaddiisu ay tahay laba arrimood oo ah in uu dhaco meel noloshu ka suurtagelayso guudkiisa, iyo in uu uumi bax biyood oogadiisa ka jiro. Natiijada daraasaddan oo Joornaalka ‘Nature’ lagu faafiyey arbacadii toddobaadkii hore ayaa lagu sheegay in meerahan cusub oo ku wareegaya xiddig ka mid ah ururka xiddiga loo yaqaanno Duni-yar ama xiddiga cullaanka ah (Dwarf Planets) oo ah xiddigo heerkulka oogaadoodu kala badh ka yar yahay heerkulka oogada qorraxda.

Saynisyahannadu waxa ay sheegeen in meeraha cusub uu masaafad aad u yar u jiro xiddiga uu ku wareegayo oo uu ka helo xaddi heerkul ku habboon nolosha ah, taas oo ka dhigaysa in heerkulka ka jira meerahan cusub oogadiisu uu la mid yahay ama aad ugu dhowyahay heerkulka meeraha aynu ku noolnahay ee dhulka. Heerkulkaas ayaa ay saynisyahannadu sheegeen in uu sabab u noqday in biyaha oogada meerahan saarani ay dareere sii ahaadaan. Iyada oo haddii uu meerahani uu xiddiga inta imika uga sii dhowaan lahaa ay dhici lahayd in biyaha oogadiisu ay wada uumi baxaan, sida oo kale haddii uu inta hadda uga sii fogaan lahaana ay biyuhu isu beddeli lahaayeen baraf, ladaba xaaladoodbana ay diidi lahaayeen in lagu dul noolaan karo.

Cilmibaadhistan cusubi waxa ay sheegaysaa suurtagalnimada in ay jiraan isku dhisyo kale oo laga helayo Gibilka meerahan, kuwaas oo nolosha muhiim u ah waxaa ka mid ah Nitrogen and Methane.

Inkasta oo ay xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey go’aamiyeen in meerahan oogadiisa ay nololi suurtagal ka tahay, haddana khubaradu waxa ay sheegayaan in daraasaddan aanay kama dambays u noqon doonin suurtagalnimadak u noolaanshiyaha meerahan, laakiin loo baahanyahay baadhitaanno dheeraad ah oo qaarkood ay u baahan yihiin qalab aad uga sii casrigan inta hadda la hayo.

Natiijadan cusub ayaa mar kale soo celinaysa su’aasha ay saynisyahannadu weli jawaabta kama dambaysta ah u heli kari waayeen ee ah ‘Dhulku ma meere aanu noociisa oo kale koonka ka jirinbaa’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here