Maraykanka Oo Agagaarka Aqalka Cad Ku Qabtay Basaas U Shaqaynayey Sirdoonka Israa’iil

0
965

Washington (Geeska)- Hay’adaha ammaanka ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in Israa’iil ay ka dambaysay basaasid dhinaca taleefannada gacanta ah oo labadii sano ee u dambeeyey laga samaynayey agagaarka aqalka Cad ee looga taliyo dalkaas. Laakiin arrinta yaabka leh ayaa ah in xukuumadda Maraykanku aanay arrintaas wax eed ah ugu jeedin Israa’iil.

Shabakadda caanka ah ee Politico ayaa masuul ka tirsan xukuumadda Maraykanka oo aanay magacaabin ka soo xigatay in xukuumadda madaxweyne Donald Trump ay iska ilaalisay in, ay eedda basaasiddan dusha u saarto xukuumadda Israa’iil. Arrintaas oo la yaab noqotay, maadaama oo anay hore u dhici jirin in la qariyo cidda leh eedda basaasid kasta oo ay hay’adaha sirdoonka Maraykanku fashiliyaan. Isla markaana ay hore u dhacday in Maraykanku uu madaxweyne Trump hortii xabsiyadiisa u taxaabay basaasiin Israa’iil u shaqaynaysay.

Politico waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in sirdoonka Maraykanku uu ogaaday in meel aan Aqalka Cad ka fogeyn lagu rakibay qalabka wax lagu basaaso ee ‘Sting-Rays’ oo awood u leh in uu isu ekeysiiyo seenyaaleyaasha biraha isgaadhsiinta isku xidha, si uu u khiyaameeyo taleefannada gacanta, taasina ay suurtageliso in la ogaan karo meelaha ay ku sugan yihiin dadka taleefannada ku xidhiidhaya iyo xogta qofka taleefanka laga hadlayo leh.

Masuulkan la hadlay shabakadda Politico waxa uu sheegay in weli ay socdaan baadhitaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo in qalabkan lagu basaasay taleefanka madaxweyne Trump iyo masuuliyiinta sare ee xukuumaddiisa iyo sida oo kale lataliyeyaasha madaxweynaha.

Dhinaca kalana raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si degdeg ah uga jawaabay warbixintan ay daabacday shabakadda Politico oo uu ku tilmaamay been qaawan.

Warmurtiyeed uu Netanyahu soo saray ayaa uu ku sheegay in xukuumadda Israa’iil ay ku dhaqanto go’aan sannado badan shaqaynayey oo dawladda Israa’iil ay ku mamnuucday in Israa’iil ay Maraykanka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka fuliso wax hawlo basaasid ah oo ka dhan ah Maraykanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here