Saynisyahan Sheegay In Qalab Teknoolajiyadeed Noole Meereyaal Kale Ku Dhaqani Sameeyeen Uu Dunida Innagu Soo Booqday

0
603

Saynisyahanka caanka ah ee Avi Loeb oo ka tirsan jaamacadda Harvrad ee Ingiriiska ayaa buug cusub oo uu soo saaray ku sheegaya in sannadkii 2017 kii uu adduunka inoogu yimi qalab tiknoolajiyadeed casri ah oo ay sameeyeen noole meereyaasha adduunyada ka baxsan ku dhaqani.

Saynisyahanka oo fasiraya walxo la garan waayey oo sannadkaas la sheegay in ay mareen xiddigaha dhexdooda ayaa sheegay in walxahani ay ahaayeen farsamo Teknoolajiyadeed ay sameeyeen noolaha meerayaasha kale ku nooli.

Avi oo muddo dheer madax ka ahaan jiray waaxda cilmiga xiddigaha ee jaamacadda Harvrad, isla markaana qoray maqaalo cilmiya oo boqollaal ahi, waxa uu dhaliil u jeediyey saynisyahannada siyaabaha kale u qeexay arrintan, isaga oo u eedeeyey in ay garan la’ yihiin waxa uu ugu yeedhay xaqiiqada ah in uu jiro noole sida aadamaha u fikiraya oo aan ahayn bani’aadamkan aynu ka midka nahay ee dunida ku dhaqan. Avi waxa uu marar kala duwan sheegay in ay jaahilnimo tahay in aynu aaminno in innagu kelideen aynu uumannahay, sida uu hadalka u dhigay.

Bishii Oktoobar 2017 ayaa saynisyahannada cilmi falaggu ay arkeen walxahan oo xawaare aad u sarreeya ku socda, waxa ay ahayd xaaladdii nooceeda ugu horreysay ee walax soo galayti ah lagu dhex arko xiddiga. Waxa aanay saynisyahannadu ku qanceen in aanay ka soo dhambalmin xiddig kale. Laakiin waa ay awoodi waayeen in ay abtirsiin iyo meel ay ku aroorto u yeelaan walaxda la arkay.

Saynisyahankan Avi Loeb oo u warramay wakaaladda wararka Faransiisku waxa uu saynisyahannada dhiggiisa ah ee dunida ku dhaliilay in ay iska dhego mariyaan muhiimadda ay leedahay in si cilmiya loo baadho jiritaanka noole meereyaasha kale ku dhaqan, taas oo inta aanay baadhinba ay ka hor yimaaddaan.

Sidaas awgeed Avi Loab waxa uu ku talinayaa in la abuuro cilmi cusub oo uu ku taliyey in loo bixiyo cilmiga raad-raaca aataarta hawada sare, so loo baadho raadadka bayooloji iyo teknoolajiyadeed ee noolaha uu aaminsanyahay in ay meereyaasha kale ku abuuran yihiin.