Musharrax Sucaad Ibraahim Oo Hargeysa Ka Daah-furtay Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Ay Maalgelisay

0
712

Tartan ciyaareed kubadda cagta ah oo  ay maalgalisay islamarkaana gacan libaaxle ka qaadatay Musharax Sucaad Ibraahim Cabdi, oo u sharaxan doorashada golaha wakiilada ee Gobolka Maroodijeex, ayna fududeeyeen Guddida ciyaaraha degmadu ayaa laga daahfuray Degmadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Tartankan ayaa waxa ugu horeyn lagu furay kooxaha Croatia iyo Golden stars Iyadoo ay ciyaarahan ka qeyb qaadan doonaan illaa siddeed kooxood oo ka dhisan Degmadda Maxamed Mooge.

Daahfurka Ciyaarahan waxa kasoo qeyb galay Musharax sucaad, qaar ka mid ah kooxaha ka qeyb qaadanaya koobka, Maamulka garoonka degmadda, mas’uuliyiin iyo dadweyne tiro badan.
Dhammaan kasoo qeybgalayaasha ayaa waxay hadalo farxad iyo soodhaweyn ka dhan ah Xildhibaan Sucaad ka jeediyeen madashaxa lagu daah furayay tartanka.
Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Koob ciyaareedkan mudane Maxamed Faarax wacad oo daahfuray Ciyaarta is araga koowaad ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin suurtagalnimada ah inay u hirgashay inay furaan Koob loogu magac daray Musharax Sucaad oo ay maalgalineyso.
Cabdirisaq Bidixo oo ku hadlayay magaca kooxaha degmadda ee koobka ka qaybgalaya ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in musharax sucaad ay garoonkoodii ugu timaado gacanna ka gaysato sidii kooxaha dhalinyarada degmadu isu dhex gali lahayd ugana mahadnaqayaan siday u jeceshahay inay dhalinyarada degmadda wixii karaankeeda ah ka qabato.


Ugu danbayn, Musharax Sucaad ayaa sheegtay inay dhiirigalinayso dhalinyarada Degmadda Maxamed Mooge, intii karaankeeda ahna ay gacan ka geysanayso qabsoomida koob ciyaareedkan Kubadda Cagta ee degmadda, iyadoo ballanqaaday inaanu koobkani noqonayn kii ugu horeeyay uguna danbeeyay ee ay jeceshahay taageerida kooxaha dhalinyarada Degmadda.
Ciyaarahan ay musharax Sucaad maalgelisay, laguna maamuusayay ayaa socon doona muddo dhowr Toddobaad ah, iyadoo abaalmarino iyo koobab la guddoonsiin doono kooxaha ku guuleysta kaalmaha hore, dhiiri gelinna u noqon doonta da’yarta Degmadda Maxamed Mooge ee xirfaddoodu tahay kubadda cagta.