Xildhibaan Ku Baaqay In La Maxkamadeeyo Taliyaha Ciidamada Qaranka Oo Uu Naxariis-darro Ku Eedeeyay

0
489

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa Taliyaha Ciidammada Qaranka Somaliland ku eedeeyay inaanu masuuliyad iska saarin Xaaladaha Caafimaad-darro ee la soo dersa Saraakiisha Ciidammada, sidaasi darteed loo baahan yahay in lala xisaabtamo.

Nac-nac oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Tusaale u soo qaatay Sarkaal la sheegay inuu Milletariga ka mid ahaa oo isagoo dhaawac ah jiifa Cisbitaal ku yaalla Magaalada Burco isla-markaana u baahan in Xaaladdiisa Caafimaad si gaar ah hoos loogu eego.

Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xalay (Habeen hore) maan seexan, markaan askariga maqlay hadalkiisii ee 27 sanno ciidanka ahaa, ee halkaas maanta kaliyuhu ku fadhiisanayaan, ee Taliyuhu aanu u iman, ee aan ciddi u iman, ee aan Madaxweynuhu ka war hayn, waa khalad, ee Taliyaha  Qaranka waa in la xaakima, oo Maxkamadda la soo joojiyaa,  markaas baanu ka samraynaa.”

Xildhibaan Nac-nac wuxuu sheegay oo kale “Madaxweynuhu wuxuu yidhi waxaan ahaan jiray milatari, haddii uu ahaan jiray miyuu dadka u naxariisto, waxaan leeyahay dadka ha loo naxariisto, waliba askarta ha loo naxariisto, nin waliba inta uu lacag qaato buu seexdaa, haddii aynu kicin kari weyno ka xanuunsanaya maxaa inoo faa’iido ah, ee ninkaas 27 sanno shaqaynayey ee mujaahidka ah ee ah raggii Tukaraq qabsaday ah, kaliyihii baa istaagay, jananka intaas eegayey ee leh lacag ma hayo, tiisa ayuu ka diri lahaa”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office