Saynab Kobbold: Gabadhii Islaamnimadeeda Ka Hor Sheegtay Baadariga Kaatoligga Ugu Sarreeya (Q.1)

0
662

Lady Evelyn Murray oo ahayd qoraa iyo dhul mar u dhalatay Scotland ayaa nin ay isku cindanaayeen waxa ay isu raaceen booqasho ay ku tageen magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo markii ay tageen ay booqdeen xarunta Katoligga oo ay kula kulantay baadariga ugu weyn mad-habta Kaatoligga ee masiixiga. Baaderigu waxa uu gabadhan weydiiyey in ay Kaatoli tahay. Inkasta oo ay Evelyn masiixiyad ahayd haddana su’aashaasi waxa ay ahayd mid aanay marka hore filayn oo kedis ku noqotay. Inta ay ilbidhisqsiyo aamustay ayaa ay baadarigii ugu jawaabtay, “Waxa aan ahay muslimad”

Inkasta oo ay mar ku noolayd dhulka Carabta, haddana sida ay Evelyn sheegtay in ay muslimad noqotaa waxa ay ahayd arrin aan weligeedba maskaxdeeda ku soo dhicin, isla markaana aanay garanayn sababta ku kalliftay in ay sheegato muslimad iyada oo been sheegaysa. Waxa se ay caddaysay in jawaabtaasi ay bilow u noqotay go’aan isla markii ay hadalkan aan ku talagalka ahayn tidhi ku dhashay oo ahaa in akhrido wax badanna ka barato islaamka, ugu dambayntiina ay rumaysay. “Hadalkani waxa uu waxa uu igu abuuray dareen fikir cusub igu abuuray, waxa uu igu huriyey fikir sababay in aan akhriyo oo aan daraaseeyo caqiiqada Islaamka, waxa aan is leeyahay qalbiga ayaa ay igaga jirtay muslimnimo aanan isku ogeyn” ayaa ay tidhi iyada oo ka warramaysa dhacdadan.

Sida uu ku warramay shabakadda The National, Evelyn sannadkii 1867 kii ayaa ay ku dhalatay magaalada Edinburgh ee caasimadda Scotland, xilligii ay talada haysay boqoraddii Victoria. Evelyn waxa ay ka dhalatay qoys ka mid ahaa dabaqadda sare. Aabaheed oo ahaa sahamiye lagu magacaabi jiray Earl Dunmore VII ayaa qoyskiisa oo ay inantiisa Evelyn ka mid tahay waxa uu sannad kasta xilliga jiilaalka geyn jiray dalalka Woqooyiga Afrika, oo ay ka mid yihiin Marooko, Aljeeriya iyo Qaahira. Dalalkaas ayaa ay Evelyn ku soo baratay afka Carabiga, isla markaana la macaamil iyo saaxiibtinimo dhex martay carruurihii faceeda ahaa ee Carbeed.

Evelyn aabaheed ayaa ay ka hidde raacday socdaal jacaylka, xilli ay Qaahira joogtay ayaanay ku guursatay nin ganacsade ahaa oo ka dhashay qoys ladan oo bariga Ingiriiska ka soo jeeda. Maadaama oo ay labadooduba Masiixiyiin ahaayeen waxa ay isku guursadeen kaniisadda Saints Church ee magaalada Qaahira sannadkii 1891 kii. Intii u dhexeysay sannadihii 1893 kii illaa 1900 waxa ay dhashay saddex carruur ah.

Islaamnimadii

Sannadkii 1912 kii Evelyn waxa ay qortay buuggeedii ugu horreeyey oo ay u bixisay, “Wayfarers in the Libyan Desert’ waxa ay kaga sheekaysay safarkii ay ku tagtay woqooyiga Afrika, goobihii ay ka degtay lama degaanka, masaajidda ku taalla iyo safarro ay hawada sare ee lama degaanka ku dul martay.

Si kastaba ha ahaato ee sida ay ku sheegtay maqaal ay ku qortay shabakadda BBC, Evelyn ma garanayso waqtiga ay qaadatay diinta Islaamka. Balse ay filayso in ay tahay siidh Iimaanka oo muddo dheer ka hor qalbigeeda ku beermay, oo mar keliya ku dillaacay markii uu baaderigu su’aasha kediska ah weydiiyey. “Waxa aan dareemayaa in aan weligayba muslimad ahaa oo kale” ayaa ay tidhi Evelyn. Mar kale waxa ay xusuus qorkeeda ku tidhi, “Waxaa inta badan la i weydiiyaa, goorta iyo sida aan muslimadda ku noqday? Waxa keliya ee aan ku jawaabay waxa uu noqday, in aanan garanayn daqiiqaddii ay xaqiiqada islaamku qalbigayga ku dhex dillaacday. Waxa ay u muuqataa in aan weligayba muslimad ahaa” ayaa ay tidhi.