Shaah Iibiye 50 Kun Oo Doolar Ku Helay Macmiil Aan Xidhnayn Maskaaro Oo Uu Diiday In Uu U Shaqeeyo

0
646

Wiil shaah-dhige ka ah mid ka mid ah maqaaxiyaha magaalada San Diego ee gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa isu rogay xiddig warbaahintu qaadaa dhigto kaddib markii uu lacag deeq ah ka helay dadweyne ku faraxsan hab-dhaqankiisa la xidhiidhay gabadh macmiil ahayd oo diiday in ay xidhato maskaarada afka iyo sanka lagu daboolo.

Sida uu ku warramay wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, gabadha Maraykan ah ayaa barteeda Facebook ku faafisay farriin ay si cadhaysan ugu sheegayso in wiil shaah iibiye ahi uu diiday in uu shaah ka iibiyo maadaama oo aanay xidhnayn Maskaaro. Gabadhani waxa ay barteeda Facebook ku faafisay sawir ay ka qaadday wiilkan ka shaqaynayey maqaaxida caalamiga ah ee Starbucks oo ah 24 sano jir lagu magacaabo Lenin Gutierrez, iyada oo soo raacisay qoraal ay ku sheegayso in wiilkaasi uu diiday in uu u adeego, maadaama oo aanay xidhnayn maskaaro, iyada oo sheegtay in xidhashada maskaarada ay u aragto tallaabo iska doqonniimo ah. Laakiin kumannaan qof oo dadka Facebook kala socda ah ayaa markiiba ka hor yimi hadalka gabadhan, iyaga oo soo qoray farriimo ay gabadhan ku xasuusinayaan in wiilkani uu fulinayo amarka ka soo baxay xukuumadda gobalka California ee dhigaya in dadka meelaha dadweynaha tegeyaa ay xidhaan maskaaro si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka COVID-19.

Dadka farriimaha kulul ku difaacay wiilkani intaas kuma ay joogsan ee waxa ay shabakadda qaadhaan ururinta ee ‘GoFundMe’ ka sameeyeen bog ay ku ururinayaan qaadhaan ay abaalgud uga dhigaan wiilkan, kaas oo 24 kii saacadood ee ugu horreeyey lacagta lagu ururiyey ay gaadhay 83 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Wiilkan oo mar dambe ka hadlay arrintan ayaa sheegay in gabadhan uu u sheegay in aanu ka iibin Karin shaaha maadaama oo ay jebisay amarka xukuumadda ee ahaa in ay dadka goobaha dadweynaha isugu imanayaa dhammaantood xidhaan Maskaaro. Isaga oo itnaas ku daray in markii ay arrintaas ka biyo diiday uu isku dayey in uu tuso waraaqda amarka ah ee xukuumaddu arrintaas ka soo saartay, laakiin ay diidday, iyada oo cadhaysanna iskaga baxday maqaaxida.

Xukuumadda gobalkan ayaa sida meelo kale oo badan oo adduunka ahba ka jirta waxa ay amar ka dhigtay in la xidho maskaarada, si loo xakameeyo faafitaanka fayraska Coronavirus oo guud ahaan dalka Maraykanka fara baas ku haya. Laakiin gabadhan ayaa ka mid ah dadka aaminsan in amarkaasi uu macno darro yahay, maadaama oo sida ay la tahay aanay maskaaradu waxba ka tari karin xakamaynta xanuunkan. Dhinaca kalana gabadhan oo ah macallimad dhigta jimicsiga Yoogada oo lagu magacaabo Amber Lynn Gilles ayaa sheegtay intii ka dambaysay farriintaas ay soo qortay ay in la kulantay farriimo hanjabaad dil ah.