Saxafiyiin Reer Somaliland Ah Oo Abaalmarino Lagu Maamuusay

0
414

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Somaliland ayaa shalay afar abaal marinood guddoonsiiyey afar Wariye oo ka qayb qaatay Tartan ay u qabteen Suxufiyiinta Somaliya kuwaas oo barnaamijyo ka diyaariyey dhinacyada Baadhista, xuquuqal Insaanka iyo Carruurta.

Afartan wariye oo qayb ka ahaa Abaal marinta Qaramada midoobay bixisay ayaa shalay Xaflad balaadhan oo ay Ururka Suxufiyiinta Solja soo qaban qaabisay lagu guddoonsiiyey Abaal marinahay mutaysteen oo isugu jiray Laptop iyo Record casri ah.

Wakiilka xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland oo goob joog ka ahaa Abaal marinadan ayaa soo dhaweeyey Suxufiyiinta Somaliland gaar ahaan kuwa ku guulaystay abaal marinadan isagoo kuwa kalena ugu balanqaaday in ay tartamo kale oo ay ku dhiirigalin doonaan u qaban doonaan.

Wariyayaasha la Guddoonsiiyey Abaal marinaha ayaa kala ah Naasir Maxamed C/laahi oo ka socday Waaheen Media Group, Barkhad Ladiif Cumar oo ka socday Wargeyska Saxafi, Saleebaan Cabdi Cali Kalshaale (Gobanimonews.com) Khadar-Shiine oo ka socday wargeyska Yool.

Geesta kale, warsaxaafadeed ay xafladaas ka soo saartay xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan: “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ay iskaashanayaan Qaramada Midoobay ayaa maanta u dabaaldegaya 4 qof oo ku guuleystay Abaalmarinta Warbaahinta Soomaalida ee 2013. Abaal-marinta Warbaahintu waxay aqoonsanaysaa xirfadda iyo tayada suxufinimo ee warbaahinta af Soomaaliga.

Suxufiyiinta Soomaalida ahi waxay ku tartartameen afar arrimood oo kala ah- jinsiga, carruurta iyo dhallinyarada, adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo baadhitaanka suxufiga. Guuleystayaasha waxa loo doortay si banyaalnimo ah iyadoo ay xuleen suxufiyiin Soomaali ah oo ruugcaddaa ah oo ay farsamo ahaana taageerayaan khabiirada warbaahinta ee Qaramada Midoobay. Kuwii kala xulayey may garanayn magaca suxufiyiinta tartamaysa oo summad qarsoon ayay lahaayeen.

Abaal-marinta Warbaahinta Soomaalida waxa loo aasaasay si loo dhiirigeliyo suxufiyiinta shaqada wacan qabatay muujiyeyna xirfadda ay u leeyihiin mihnaddooda. Suxufigu wuxu noqon karaa mid u taagan isbedel wanaagsan iyo horumar. Warbaahin caddaali ah oo dhexdhexaad ahi waxay soo bandhigi kartaa arrimo bani’aadanimo oo muhiim ah, sidoo kale waxay samayn kartaa baraarujin la xidhiidha nabadda iyo horumarka. Tusaale ahaan, warbaahintu waxay wax ka bedeli kartaa qaababka loo baahiyo wararka la xidhiidha jinsiga iyagoo soo bandhigi karta warbixin dheelitiran marka loo eego labka iyo dhedigga ama waxay samayn karaan barnaamijyo arrimaha jinsiga ah- sida xadgudubyada ku salaysan jinsiga, gudniinka gabdhaha iyo ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda. 

“Tayada wax-soo-saarka ee suxufiyiintan guuleystay, farshaxanka iyo xirfadda ay u adeegsadeen afarta arrimood ee ay u tartameen waxay daliil u tahay dedaalka, xirfadda saraysa iyo hibooyinka suxufiyiinta Soomaalida ee soo kacaysa. Waan ku faraxsanahay in aan aqoonsano hibooyinkan isla markaana bixino abaal-marino” ayuu yidhi Philppe Lazzarini, Isu-duwaha Qaramada Midoobay ahna Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Lazzarini wuxu xusay muhiimadda ay leedahay in suxufiyiinta la taageero si ay u sii wataan gudashada kaalintooda iyagoo codkooda si aan eex lahayn ugu metelaya dadkooda, isla markaana warka u tebinaya qaab masuuliyad iyo xirfadi ku dheehan tahay. Jiritaanka warbaahin xooggani waxay tiir u tahay bulsho soo-kabasho leh. Suxufiyiintu waa in ay sii wadaan difaacidda xuquuqta dadka jilicdasan ee bulshadooda ka mid ah iyagoo aan u kala eegayn deegaan ahaan halka ay dadkaasi ka soo jeedaan, si ay wax ugu kordhiyaan nabadda, caddaaladda iyo xorriyada.

“Suxufiyiintu sanadihii la soo dhaafay waxay muujiyeen dedaal wax-ku-ool ah oo ay ku soo bandhigeen arrimaha bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed ee dalka ka jira. Qaramada Midoobay waxa ka go’an dhisidda warbaahin xooggan, firfircoon, masuul ah taas oo ka shaqaysa danta dadka Soomaalida ah” ayuu yidhi Lazzarini.

Guuleystayaasha tartankan waxa la guddoonsiiyey qalab ka saacidaya shaqadooda oo ay ka mid yihiin laabtobyo iyo cod-duubayaal. Si loo aqoonsado shaqo-wanaaga iyo karaamada suxufiyiinta, Abaalmarinta Warbaahinta ee 2013 waxay aqoonsanaysaa, guubaabinaysaa, taageeraysaana shaqo-wanaaga warbaahinta. “