Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Markab Hore Loo Mamnuucay Oo Soo Noqday

0
473

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiirka  kaluumaysiga iyo khayraadka bada Cali Faarax Buureed,ayaa ka hadlay markab kuwa kalluumaysiga ah oo lagu baadhayo Saylac, markabkan ayaa laga leeyahay dalka Masar.

Wasiirka kalluumaysigu waxa uu sheegay in aanay wali wax fasax ah siin wax maraakiib ah, laakiin maraakiibta aan dhibka u gaysan karayn badda Somaliland ee shuruucda caalamiga ah ee kaluumaysiga dhamaystira ay siin doonaan ogalaanshaha biyaha Somaliland.

Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlaayay shir jaraa’id oo uu warbaahinta isugu yeedhay,waxaanu hadaladiisa ka mid ahaa “Dawladu sharci ayey leedahay, sharcigaana wax mamnuuca waxna sii daaya, way jireen maraakiib wadanka ka kaluumaysan jiray oo ay wasaaradu hore uga mamnuucday , haddii hore ay uga mamnnuucdayna waxaa jira shuruudo caalamiya oo markabka dalka ka kaluumaysanaya lagu hago, ma jiro wax aanu ilaa hadda fasaxnay laakiin ilaa hadda waa laga kalluumaysanayaa waxaana jira doonyo aanu fasax siinay oo kaluumaysta mararka qaarkoodna maraakiib ayaa timaada, waxaana laga eegaa ama lagu shaqo gala shuruudihii ama habkii loogu tala galay ee aan mamnuuuca ahayn inay ku kaluumaystaan wixii sharci daro doonaya inay ku kaluumaystaan sideeda ayaa loo mamnuucay mana siino fasax, mana siin karno fasax wax wadanka dhibaato u keenaya, laakiin wixii si nidaam ah oo la ogol yahay uga kaluumaysanaya bada waa la siiyaa fasax wayna haystaan kuwa joogana waa la siinayaa fasax.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Wali anaga warqad naga baxday ma jirto, laakiin maraakiibta iyo doonyaha marka ay yimadaan marsada ayaa shaqaalaha noo joogaa maamulaan haddii uu yahay mid ku haboon in sharci la siiyo markaas ayaa la siiyaa haddii kalana waa laga joojiyaa oo badda laga saaraa, laakiin wali sharci aanu siinay oo fasax ah ma jiro, markabkaasina wuu yimid oo Saylac ayuu taagan yahay waxaana lagu wada baadhitaan, haddii laga helo qalabkii mamnuuca ahaa waa la xidhayaa walibana waa la ganaaxayaa badana waa laga saarayaa , haddii laga waayo oo uu diyaar u yahay inuu wadanka kula macaamilo sharciga u yaala fasax ayaa la siinayaa.”