Jaamacadda Beder Oo Ay Tayadeeda Waxbarasho Sarayso

0
676

Picture4Hargeysa(Geeska)-Jaamacada caalamiga ah ee Beder oo ka mid ah jaamacadaha magaaladda Hargeysa, ayaa wakhtigan daboolka ka qaaday waxbarasho tayadeedu sarayso.

Jaamacadan ayaa ah mid aan faa’ido doon ahayn isla markaasna manhajkeeda waxbarasho lagu dhereriyay jaamacadaha dibada, waxa jaamacadan la aasaasay sanadkii ina soo dhaafay waxaana haatan wax ka barta arday badan.

Masuulyiinta jaamacadan ayaa daboolka ka qaaday inay wakhtigan soo kordhiyeen koorsooyin Diploma ah oo socon doona muddo sanad ah kuwaas oo kala ah Postgratuate Diploma in Management & Leadership, Postgratuate Diploma in Islamic Banking and Finance.

Waxa sidan wargeyska Geeska Afrika u sheegay masuuliyiinta jaamacada caalamig ah ee Beder oo wargeysku ku booqday xaruntooda,waxa ay sida oo kale masuulyiintani sheegeen in macalimiinta jaamacadan waxa ka dhigaa ay sitaan shahaadada Master-ta. Jaamacadan caalamiga ah ee Beder sida oo kale waxa bilawgiiba lagu bilaabay  Bachelor of Business Administration,Shariah,Islamic Banking & economic  iyo hada oo ay gacanta ku hayaan bilaabida Diploma in English. Jaamacadu waxay xidhiidh la leedahay Arees USA, Aams UK iyo International Islamic university in Latin America.