Fadhiga Badani Waxa Uu Keenaa Xanuunno Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Wadne Xanuun Iyo Macaan

0
704

Picture10Sydney (Geeska)- Xeel-dheerayaal caafimaad oo u dhashay dalka Australia ayaa si adag uga digay khatar caafimaad  oo ay sheegeen in uu leeyahay fadhiga saacadaha badan ahi. Xeel-dheerayaashani waxa ay sheegeen in fadhiga dheeri uu keeni karo xanuuno badan oo halis ku ah nolosha aadamaha. Khubaradan oo ka tirsan jaamacadda Queensland oo ku taalla magaalada caasimadda u ah Australia ee Sydney waxa ay sheegeen in uu jiro xidhiidh weyn oo ka dhexeeya firfircoonida qofka iyo caafimaadkiisa, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in qofku uu badiyo xilliga uu ugu talo galo in uu shaqo gacanta laga qabanayo oo dhaq-dhaqaaq u baahan uu qabto.

 Iyaga oo qof kastana kula taliyey in uu ugu yaraan maalintii xarakaad, socod iyo dhaq-dhaqaaq sameeyo ugu yaraan 30 daqiiqo, si uu uga taxadiro xanuuno badan oo uu fadhigu keeno, kuwaas oo ay ka mid yihiin Macaanka iyo cudurrada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga qaada.