Sawirro Qaddiimi Ah Oo Laga Dhex Arkay Hummaag Bani’aadam Oo Dad Badani Aamineen Inuu Rooxaan Yahay

0
547

Washington (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormadii aynu kaga warramaynay muuqaallo hal-xidhaale noqday oo laga dhex arkay sawirro madow iyo caddaan ah oo la qaaday qarnigii tegey. Muuqaalladaas dadka u eeg oo ay dad badan oo reer galbeed ahi aaminsan yihiin in ay yihiin mayti hore oo rooxaantoodu soo daahirtay.

Ilmihii xabaalaha:

1

Haweenay u dhalatay dala Ustareeliya oo lagu magacaabo Andros ayaa mar ay sannadkii 1940kii booqatay xabaalo ka qaadday xabaalo ku yaalla deegaanka Queensland  ee dalka Ustareeliya oo ay ku aasnayd in ay dhashay, waxa ay xiisaysay in ay sawir ka qaadato xabaalahan si guud oo ay ka dhex muuqato xabaasha inanteeda 17 jirka kaga dhimatay, laakiin Andros markana ma’ay filayn in sawirka ay qaadday uu ka soo bixi doono muuqaal aan caadi ahaan xabaalaha ugaga muuqan marka ay joogtay.

Muddo kadib oo ay sawirkan sifaysay ayaa waxaa si kedis ah uga soo muuqday hummaag aad uga yaabiyey cid kasta oo aragta, waa gabadh yar oo dul fadhida mid ka mid ah laba xabaalo caruuri ku aasan tahay ah oo dhinacyada ka xigay qabriga Andros inanteeda.

Sawirka oo ay muddo dheeri ka soo wareegtay markii la sifeeyey ee muuqaalkan laga dhex arkay, awgeed ma’ay suurtogelin in la helo cid garata wejiga hablaha yaryar ee ku aasnaa labada xabaalood, si loo barbar dhigo humaagga sawirka ka muuqdo oo loo hubiyo in midkeed uu u ekaado. Waxa iyaduna yaab noqotay in hummaaggan inanta yar u eegi uu dhex gashan yahay kaabadda ku xeeran xabaasha ay dul fadhido oo gidaarka dhexdiisa ay gacanteeda laga dhex arkayo.

Askarigii la dilay ee soo daahiray:

2

Koox ka tirsa ciidamada cirka ee boqortooyada Ingiriiska ayaa sannadkii 1919kii galay sawir wadareed xusuus ay isaga reebayeen, laakiin midkoodna ma’uu filayn in sawirkan madowga iyo caddaanka ah, uu ka soo dhex muuqan doono hummaag u eeg saaxiibkood Freddie Jackson oo ahaa farsamoyaqaan a tirsan ciidamada cirka oo laba maalmood uun ka hor marka ay sawirkan gelayeen geeriyooday.

Freddie Jackson ayaa la sheegay in ay ku shidantay marawaxad diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo uu dayactirayey, kadibna inta ay isku duubtay uu isla markiiba ku dhintay. Laakiin saaxiibbadii iyo cid kale oo kastaaba illaa hadda jawaab uma hayso hal-xidhaalaha ay noqotay in Jackson laba maalmood kadib aaskiisii lagu dhex arko sawirkan. Dhammaad