Shaahlihii Faqiirka Ahaa Ee Sawirkiisa Isaga Oo Aan Ogeyn La Dhigay Bar-Kulanka Bulsho Ee Internet Ku Sababay In Uu Isu Beddelo Xiddig Lacag Badan Filanaya

0
615

1Islamabad (Geeska)- Irshaad Khaan oo ah Baakistaani 18 jir faqri xad dhaaf ah ku noolaa, oo shaah uu kariyo nolol maalmeed aan ku filnayn uga raadin jiray qoyskiisa 17 ka ruux ka kooban, marnaba ma’uu filayn in sawir laga qaaday isaga oo ku qanacsan shaqadiisu uu mar keliya u beddeli doono xiddig qurux lagu janto oo caan ka ah dalkiisa iyo dunidaba. Xitaa sawir-qaadaha sawirka ka qaaday isaga oo jooga mid ka mid ah suuqyada Baazaar ee magaalada Islamabad caasimadda dalka Pakistan ayaan filayn tan, markii uu xiiseeyey in uu sawirkan ka qaado ninkan shaaha shubaya, laakiin marnaba ma’uu filayn in sawirkiisani sabab u noqon doono guusha ninkan shaah laha ah.

Sawir-qaadahan ayaa 14kii bishan aynu ku jirno ee Oktoobar waxa uu sawirkan uu xiseeyey soo dhigay bar uu ku leeyahay barkulanka bulsho ee Instegram ka dhowr maalmood gudahoodna waxa uu sawirkani noqday mid la xiiseeyo oo ay dhalinyaradu isku dhaafsato bar-kulannada bulsho ee internet ka, ugu dambayntiina salaasadii toddobaadkii dhowaa oo ay saddex maalmood innaga xigaan ayaa Irshaad Khaan waxa uu shaqo dhinaca xayeysiiska dharka ragga ah ka helay mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dharka oo lagu magacaabo Fitin, waxa aanay la gashay heshiis xayeysiinta dharka ah oo in kasta oo aan tafaasiishiisa weli la soo saarin, sida caadiga ah la filayo in uu lacag aad u badan ka heli doono Irshaad Khaan.

2

Shirkadda Fitin oo xarunteedu tahay magaalada Islamabad ayaa bogga koowaad ee degelkeeda internet oo cinwaankiisu yahay https://www.fitin.pk/ waxa ay soo dhigtay sawirka shaahlahan indhaha buluugga ah leh, sidoo kale waxa ay sawirka Irshaad oo si qurux badan u labbisan, soo dhigtay boggeeda Facebook ay ku leedahay, waxa aanay sawirka ku hoos qortay, “Khaan imika Shaah-le’ ma’aha, waxa uu noqday wiilii xayeysiiska dharka” Irshaad Khaan oo ah wiil aad u da’yar waxba ma’ qoro, waxna ma’ akhriyo, waxa aanu noloshooda ka masuul yahay qoys aad u ballaadhan oo uu biiliyo.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa uu intaas ku darayaa,  in Irshaad Khaan haddii aanu si dhaqso ah u fahmin dhibaatada kaga iman karta ceebtiisa dhinaca aqoonta oo aanu ka shaqayn inuu naftiisa u diyaariyo caannimo iyo shakhsiyad u qalanta mansabka uu gaadhay, ay taasi khatar gelin doonto nasiibkan kadinka uga soo galay.