Sawirka Iyo Ereyada Wiil Yar Oo Faqiir Ah Ayaa Sabab U Noqday In Loo Ururiyo Qaadhaan Ka Badan $1 Milyan

0
666

Picture8Washington (Geeska)- Brandon Stanton ah haweenay qaadista sawirrada ku caan ah oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa dhowaan bog ay ku leedahay internet ka oo lagu magacaabo Humans of New York blogger, waxa ay soo dhigtay sawirka wiil yar oo ka mid ah dadka faqiirka ah ee ku dhaqan magaalada New York. In kasta oo Brandon iyo wiilkan yariba aanay marnaba filayn in sawirkani uu noqon doono mid dhaqaajiya dareenka bani’aadamnimo ee malaayiin dadka reer Maraykan ah, sababna u noqon doono in wiilka yar iyo ardayda ay isku dugsiga yihiin ba loo ururiyo lacag dhan 1.2 Milyan oo doolar si wax looga qabto wanaajinta mustaqbalkooda isla markaana loogu hirgeliyo qorshe ay ku tagaan jaamacadda caanka ka ah ee Harvard.

Vidal Chastanet oo 13 jir ah ayaa markii sawirkan laga qaaday waxaa la weydiiyey bal in uu sheego qofka noloshiisa saamaynta ugu badan ee fiican ku leh, waxa aanu ku jawaabay in ay tahay haweenay lagu magacaabo Nadia Lopez oo maamule ka ah dugsi uu dhigto. Markii sababta la weydiiyeyna waxa uu sheegay in ay cafis badan tahay, mar kasta oo ay qalad galaanna ay ku waaniso sida ay bulshadu u dhisan tahay iyo muhiimadda kaalinta ay ka qaadan karaan haddii ay la yimaaddaan dadaal iyo wanaag, ereyada si gaar ah dadka u soo jiitay ee macallimaddiisana waxaa ka mid ahaa, “Marka uu mid innaga mid ahi dugsiga ka dhacaba, waxaa la dhisaa xabsi cusub”

Sheekadani sawirqaadaha ayaa ay aad u soo jiidatay, waxa aanu la sheekaystay maamulaha oo u sheegtay in riyadeeda ugu weyni ay tahay in ardaydan faqiirka ah ay mar booqasho ku geyso jaamacadda qaddiimiga ah ee Harvard si ay ugu dhiirrigeliso qiimaha cilmiga, laakiin dhibtu ay tahay dhaqaalaha dugsiga oo aan saamaxayn. Sawirqaadaha oo hadalkaas Nadia ka duulaya ayaa 22kii Bishii hore (Jeenaweri) waxa uu bartiisa internet ka kaga dhawaaqay tabaruc uu u ururinayo dugsigan, waxa aanu raaciyey sawirka iyo qisada wiilkan.

Muddada bisha ka yar ee ka soo wareegtay baaqa qaadhaan ururinta waxaa sanduuqa dugsigan loo furay ku soo dhacay lacag ka badan Hal Milyan iyo 2 boqol oo kun oo doolar, welina tiradu kor ayaa ay u socotaa. Lacagtaas ayaa loo qorsheeyey in ardaydan safar dalxiis loogu kaxeeyo jaamacadda Harvard, in lagu bilaabo sanduuq dhaqaale oo loogu magac daro Vidal, kaas oo lagu taageerayo in dugsigu uu ardayda faqiirka ah siiyo waxbarasho bilaash ah, cidda ugu horreysa ee ka faa’idaysan doontaana waxa ay noqonaysaa Vidal qudhiisa oo marka uu dugsigan dhamaysto sii wadista waxbarashada sare laga taageeri doono.

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa isaguna ka mid noqday dadka uu dareenkooda soo jiitay sawirkan iyo weliba baaqan dhaqaale ururinta ee wiilkan yari sababta u noqday, waxa aanu Guriga Cad ku casuumay Vidal iyo maamulaha dugsiga Nadia, si uu waqti ula qaato, si dhowena ay isaga waraystaan duruufta dugsiga iyo waxa ay dowladdu la qaban karto.