Faysal Cali Waraabe Oo Kaftan Siyaasi Ah Ku Duray Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin, Khibrad La’aanta Dawladnimo Ee Uu Wasiirada Ku Dhaliilay Iyo Mawqifkiisa 26 June 2015

0
580

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladaha kala duwan ee wadanku marayo iyo marxaladihii uu hore u soo maray.

Md. Faysal, oo khudbad u jeediyay jaaliyadda Somaliland ee Norway, wuxuu jeediyay hadalo isugu jira kaftan siyaasadeed oo uu ku ganay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, dhaliil uu wasiirada u jeediyay iyo muddo kordhin ay guurtidu wada tashi la’aan ku samayso oo uu aad uga digay.

Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin

Ugu horayn wuxuu Faysal Cali Waraabe ammaan u soo jeediyay madaxweynihii labaad ee Somaliland soo maray Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo uu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye dhigay seeska dawladnimo ee Somaliland. Isagoo hadal kaftan ah ku tuuray Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin,  “Maanta waad aragteen oo qaran ayaynu nahay la xaqirayo laakiin waan jirnaa, waxaanan aad iyo aad kaalinta fiican u siinayaa Alle haw naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo inoo dhigay aasaaska dawladnimo. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ayaa iga xanaaqa markaan idhaahdo haddaanu Cigaal inoo iman qab-qablayaal ayaanu yeelan lahayn oo yidhaahda  anaguu noo jeedaa, waa run oo haddii aan Cigaal inoo iman waxba maynu samaysan karnayn.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo qosol hadalkiisa raaciyay  markii uu hadalkan kaftanka siyaasiga ah ku tuurayay labada masuul ee iskaga hooseeya xisbiga KULMIYE.

Wuxuu Faysal Cali Waraabe ka hadlay dhibaatooyinka uu leeyahay ictiraaf la’aantu oo uu ku masaalay cunaqabatayn dawladaha lagu burburiyo, waxase uu xusay inay reer Somaliland dhinac walba u adkaysteen aqoonsi la’aantaas.

Dhaliisha wasiirada

Faysal Cali Waraabe, wuxuu dhaliilay khibrada iyo aqoonta dawladnimo ee wasiirada kala duwan ee Somaliland, isagoo xusay in aqoonta gaaban ee ay wasiiradu u leeyihiin maamulka dawladnimo sababtay inay kursigii wasiirnimo u arkaan meherad u gaar ah. waxaanu yidhi “Afrika markay lixdankii dawladnimada qaadatay madaxweyne ilaa agaasime waaxeedka la taliye ayaa loo keenay tababara, inagu horta kuwii ayaynu u baahanhay, imika inta qof ee wadankeena gacanta ku haysa ee wasiirada ah ka ugu xariifsani waa ka’ NGO ka soo shaqeeyay, qof xafiis dawladeed weligii ka soo shaqeeyay ma jiro, taasina waxay keentay in wasiirkii loo doortay wasiir qaran inuu noqdo uu wasaaradii mooday macdaar uu reerkoodu leeyahay oo haddii qandaraas iyo shaqo soo baxdo uu reerkooda siinayo.halkii laga sixi lahaana waxay noqotay baarlamaanka iyo dawliadhii hoose iyagana xisbiyadyadii soo saaray gacanta kuma hayaan.”

Cali Khaliif iyo Xaaladda Awdal

Faysal Cali Waraabe wuxuu walaac ka muujiyay xaaladaha ka soo kordhay gobalada galbeedka Somalialnd, gaar ahaan gobalka Awdal, isagoo sheegay inuu wada hadal la furay siyaasiga hoggaamiya kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif  “Somaliland in la wada ilaashado ayaa loo baahanyahay. Somaliland waad aragtaa oo waxa jira guux badan, beelaha dhexe dhexdooduu ka jiraa, hareeraha waad aragtaan waa markii u horaysay ee galbeed oo ay nabadu ka bilaabantay la leeyahay Boram aiyo qulujeed ayay wax ka dhaceen.  Cali khaliif iyo khaatumo wada hadalku wuu noo socdaa, waanan la wadi doonaa,”

Isagoo la hadlaya xukuumadda wuxuu yidhi,  “Dawladda waxaanu ka doonaynaa inay arrinta Borama inaanay inagu fidin oo laga faa’iidaysan oo aanay noqon miino la inoo soo raaco, qofka isagu buur galay ee qori qaatay isagu ha iska tago, laakiin odayaasha iyo cabashada waa in la maqlaa.”

Faysal ma muxaafid baa?

Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka hadlay xan siyaasi ah oo ay dadka qaarkii u jeediyaan oo ah inuu noqday siyaasi muxaafid ah, waase uu beeniyay waxaanu yidhi  “Aniga beryahan dambe waxay igu yidahaahdaan Faysal waa la mustafeeyay  oo mucaarad maaha, marna waxa la lahaa hadal iyo mucaarad ayuu ku waashay. Anigu mucaarad waan ahay laakiin markaad aragtid khataro dibada ka imanaya taaada hoose waa la dhigtaa.  Anigu tii gudaha waan dhigtay.”

Mawqifkiisa doorashada

Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu ka hadlay mawqifkiisa ku waajahan doorashada oo qabsoomi weyda, waxaanu yidhi  “Annaga mawqifkayagu waxa weeye oo danta Somaliland ah in loo daayo guddiga doorashada inuu shaqadiisa qabsadaa oon la siyaasdayn ee wakhtiguu yidhaahdo wakhtigaas ayaanu ku qabanaynaa loo daayo, waa in la qabtaa shir wada tashi qaran oo waxa hortaagnaan doona doorashadu si ay u dhacdo, iyo qodobka saddexaad oo ah maalinta ay 26 June dhammaato ee la ogaado wakhtigay doorashadu dhacayso maalintaas ilaa doorashada soo socota in la sameeyo dawlad midnimo qaran oo qabata doorasho  lagu kalsoonyahay oo xoogga saartay nabadgelyada, doorasho qabsoonta iyo arrimaha dibadda. Waana saddex midnimo lagaga baxayo, dawlad midnimo qaran lihi ceeb maaha, waxa lagaga baxaa dalcadaha, annagu ma lihin madaxweyne Siilaanyo iyo Saylicyoow baxa, laakiin imikaba waadigan Ina Warancade iyo Ina Hebel  oo wada UDUB ahaa keenayee qaar asxaabta ah iyo kuwo madaxbanaan lagu soo daro oo la sameeyo dawlad midnimo qaran, laakiin haddii   guurtidu la orodo waxaynu galaynaa qas siyaasadeed oo aynaan u baahnayn.”