Nin Hindi Ah Oo 10 Sano Lacag Urursanayey Si Uu U Noqdo Qofkii Ugu Horreeyey Tuulihiisa Ee Tallaagad Iibsaday

0
688

Delhi (Geeska)- Dawaarle u dhashay dalka Hindiya ayaa rumeeyey riyadiisii ahayd in uu noqdo qofka ugu horreeya tuulaha uu deggen yahay ee abid iibsada tallaagad (Qaboojiso) kadib markii uu dhowaan uun iibsaday tallaagad.

Ninkan oo ku dhaqan tuule ku dhow magaalada dekedda ah ee Calcutta oo ku taalla bariga dalka India ayaa ahaaa dawaarle dharka u tola dadka tuulaha,  muddo toban sano ah ayaanu lacagta u soo baxda kaydinayey si ay u gaadho qaddar uu ku iibsan karo tallaagad, taas oo ka dhigaysa qofka ugu horreeya tuulahan ee iibsada. Santosh waxa uu sheegay in celcelis ahaan dakhliga maalintii soo galaa uu yahay 4 Doolar.

Tirokoobyo warbaahinta qaar samaysay ayaa sheegaya in guud ahaanba afartii guri ee dalka Hindiya ku yaallaba ay mid ka mid ah taallo tallaagad, tiradaas oo hadda kadibna uu ku soo biiri doono cariishka dhoobada ka samaysan ee uu ku nool yahay dawaarlahan lagu Santosh Chowdhury.

Santosh oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu yahay qofkii ugu horreeyey qoyskiisa dhow oo dhan ee ay u suurtogasho in uu tallaagad guriga dhigto, isaga oo hoosta ku xariiqay in ay tahay riyo ay gaadhi waayeen aabihii iyo awoowgiiba laakiin nasiib wanaag isaga u rumowday. “Annaga ayaa ah jiilkii ugu horreeyey ee tallaagad yeeshay qoyskayaga oo dhan. Aabayaashayo iyo awoowyadayo maba ay arkin” ayaa uu yidhi Santosh.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda BBC waxa uu intaas ku daray in maalintii uu Santosh tallaagada iibsaday ay maalin weyn oo farxad iyo damaashaad u ahayd isaga iyo dadka tuulaha Rameshwarpur oo dhinaca woqooyi-bari ka xigta magaalada Calcutta.

Arrintani waxa ay bidhaaminaysaa ka la tagga dhinaca dhaqaale ee ka jira dalka India gudihiisa in kasta oo muwaadiniinta guryaha tallaagad ku haystaa aanay ka badnayn boqolkiiba 25 keliya, iyo sidoo kale Hindiya iyo dunida kale, gaar ahaan dalalka lagu tilmaamo in ay horumareen oo iyagu boqolkiiba 99 guryahooda ay tallaagadi taallo. Dalalka Laatin Ameerika boqolkiiba 87 qoysaskooda ah ayaa ay tallaagadi guryaha u taallaa , halka Qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe qoysaska ku dhaqani ay boqolkiiba 63 guryaha ku haystaan tallaagado. Guud ahaanna dunida oo dhan qoysaska guryaha ay tallaagadi u taallana lagu qiyaaso boqolkiiba 63 (Tixraac: Euromonitor)

Warbixintan BBC waxaa lagu sheegay in marka la eego dalalka uu dhaqaalahoodu xawliga ku koray, dalka China sannadkii 2004ta qoysaska guryaha ay tallaagadi u taallay waxa ay ahaayeen boqolkiiba 24 keliya, laakiin toban sano kadib sannadkii hore ee 2014ka waxa ay tiradaasi noqotay boqolkiiba 88.

Qoyskan oo dan yar ah ayaa ay dhibaato badani ka haysatay kaydsashada hadhaaga cuntadooda maalinlaha ah iyo khudradda, taas oo ay aaminsan yihiin in ay kharash badan ku haysay, maadaama oo mararka qaarkood cunto badan la qubayo isla markaana tallaagadu ka caawin doonto in aan maalin kasta suuqa loo adeegin.