Sawirka Clinton Iyo 2 Ka Mid Ah Dumarka Jidhkooda Ka Ganacsada Oo Muran Dhaliyey, Xusuuso Horena Soo Celiyey

0
1124

Picture8Washington (Geeska)- Sawirka madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton oo la taagan laba ka mid ah dumarka jidhkooda ka ganacsada oo ay wada joogeen xaflad samofal oo dhowaan la qabtay ayaa duufaan muran ah ka dhex dhaliyey dalka Maraykanka. Khamiistii toddobaadkii hore oo uu Clinton shirkan kaga qayb galayey magaalada Los Angeles ayaa laga soo qaaday sawirka labadan dumar ah oo gobolka Nevada ee dalka Maraykanka kaga shaqaysta ka-ganacsiga sinada.

Dad badan ayaa sawirkan ka fahmay in madaxweyne Clinton oo hadda 67 jir ahi uu weli ku sii jiro hawlaha dumarka iyo dhaqan xumada oo ah boogta keliya ee ay leedahay taariikhdiisii hoggaamineed ee dalka Maraykanka oo uu guulo iyo horumar dhinaca dhaqaalaha iyo xidhiidhada caalamiga ah gaadhsiiyey xilligii uu xilkaas hayey. Waxaa dunida oo dhan gaadhay fadeexaddii Bill Clinton u soo hoyatay markii isaga oo xilka aqalka Cad ee Maraykanka haya la ogaaday in uu xidhiidh jacayl la leeyahay gabadh ka mid ahayd shaqaalaha tababarka u joogay guriga cad oo magaceedu ahaa Monica Lewinsky, arrintaas oo aad u sii fool xumaatay kadib markii la ogaaday in Clinton oo arrintan wax laga weydiiyey uu been ku dhaartay, waxa aanu ku sigtay in golaha odayaasha ee dalka Maryakanku sharaf ka xayuubin ku sameeyaan oo uu kursiga ka dego, laakiin aakhirkii taasna waa uu ka badbaaday. Madaxweyne Clinton oo muddadaas dheer mar kale la arko isaga oo la sawiran dumarkan dhaqan xumada caanka ku ah, isaga oo weliba sida sawirka ka muuqata la qoslaya ayaa guud ahaanba dalkaas ka dhalisay muranno iyo doodo la xidhiidha oo aad u xasaasiya.