Sarkaalkii Biladda Dahabka Ah Ku Guulaystay Oo U Mahadceliyay Itoobiya

1
778

 

Hargeysa(Geeska)-Kabtan Siciid Aadan Cabdi, oo ah sarkaal reer Somaliland ah oo dhawaan ku guulaystay bilad dahab ah ka dib markii uu kaalinta 1aad ka galay waxbarasho uu ku qaadanayay kuliyada ciidamada Itoobiya ee Awash, ayaa u mahadceliyay dawladda Itoobiya.

Qoraal uu xalay Geeska Afrikasoo gaadhsiiyay Siciid Aadan Cabdi, isagoo ku sugan Hargeysa, wuxuu ku yidhi “Aniga oo ah Cap. Saciid Aadan Cabdi ahna sarkaalkii reer Somaliland  ku guulaystay bilada dahabka ah , ka dib markii aan ka qalin jebiyay kuuliyadda ciidamada ee Itoobiya,  Marka hore waxaan u mahad naqayaa warbaahinta labada dawladood, gaar ahaana wargeyska Geeska Afrika,aniga oo ka mida akhristayaashiisa aadka u xiiseeya.

 Waxaan dawlada Ethiopia uga mahad celinayaa fursadii ay ii siisay inaan wax ka barto kulliyadeeda Awash Combined Arms Academy. Waxa kale oo aan ugu mahad celinayaa martigelinteedii wanaagsanaynd iyo sidii cadaalada ahayd ee ay u qiimeeyeen imxtixaanadaydii, iyaga oon u eegayn muwaadiin, ajaanib, da’a iyo diin midna, taas oo ii saamaxday in aan kaalinta 1-aad kaga guulaysto saraakishooda oo muddo dheer kasoo qayb qaadanayey halgankii dalkooda.

 Ugu danbayntii waxaan ugu mahad celinayaa sidii ay iigu quudheen bilada dahabka (Gold medal) ee qaaliga ah, miisaankeeduna yahay sagaashan giraam (90 gram) ee ay igu gudoonsiiyeen xafladii sida weyn loo soo agaasimay, taas oo goob joog ka ahayeen saraakiisha sare ee ciimada dalka Ethiopia.’

Comments are closed.