Xildhibaan Bashir Oo Siyaasiyiinta U Digay Farogelinta Shirka Beeshiisa

2
581

 

Hargeysa9Geeska)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa siyaasiyiinta Beeshiisa ugu baaqay inay farogalinta ka daayaan shir beeshiisa uga socda magaalada Ilmo Deddo oo dhinaca galbeed kaga toosan dagmada Gabiilay.

xildhibaan Bashiir Tukaale waxa kale oo uu sheegay in shirkaas cid aan ahayn shirgudoonkiisu aanay ka hadli karin ajandayaashiisa, isla markaasna aanu shirkaas ku ogayn wax dhib ku ah qaranka Somaliland. Waxanu sidan ku sheegay xildhibaanku  mar uu xalay la soo xidhiidhay  wargaysa Geeska Afrika, waxaanu ahdalkiisa ku bilaabay “Shirkaas  waxa uu bilaabamay shalay ( Doraad ) waxaana abaabulay madaxdhaqameedka beesha, arimo badana waa lagaga hadli doona, ajandayaasha shirkaas cid aan shirgudoonka ahayn oo afka shirka ku hadli kartaa xataa anigaygaas xildhibaanka ah ee codkooda haystaa ma jirto.” Ayaa uu yidhi waxanu intaas sii raaciyay

“Waxa ka hadli kara shirka iyo arimahiisa shirgudoonka shirka, markaas cid kasta oo arintaas ka hadashaa fashilin iyo ujeedooyin gaar ah oo qarsoon ayay shirka ku hayaan.  waxaan ugu digayaa masuuliyiinta xukuumadda inay shirkaas farogalinta ka daayaan oo aan la farogalin shirkaas, shikaasna anigu xumaan kuma ogi danaha dalka iyo beesha ayuun buu ka hadlayaa, markaas sidaas halaagu nabadgaliyo.”

Comments are closed.