Beesha Gobalka Selel Oo Markii U Horaysay Ka Dhex Muuqatay Hogaanka Ururada

0
532

 

44Hargeysa(Geeska)-Beesha degta gobalka Selel ee Ciise, ayaa markii u horaysay si waadix ah uga dhex muuqatay mansabyada sare ee siyaasada Somaliland ee ku salaysan tartanka doorashada xorta ah.

Md. Axmed Cabdi Kaahin, ayaa shalay loo doortay guddoomiye xigeenka 2aad ee urur siyaasadeedka Xaqsoor, waxaanu Axmed ka soo jeedaa gobalka Salal ee galbeedka Somaliland.  Hore wuxuu ururka Xaqsoor guddoomiye xigeenka ururka ugu magacaabay Cali-Sandule oo isna ka soo jeeda gobalka Sool ee bariga Somaliland.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa madaxweyne xigeenkii u horeeyay ee Somaliland oo doorashada Axmed Cabdi Kaahin ee shalay hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu ka hadlay sababta uu Xaqsoor u doortay inuu madaxda ururka ku soo daro gobalka Selel.  “Waxaanu qaadnay markii aan  magacawnay Axmed Cabdi Kaahin oo isaguna ka soo jeeda galbeedka Shishe, halkaasna hambalyo wayn ayaa ka timid, oo gobalkaasi waxa uu dareemay xaq ka maqnaa ka sokow abaal wayn oo ay ku lahaayeen Somaliland in la gartay maanta, iyadana ulakas ayaan u samaynay, iyada oo aan gobaladii hore ee hoggaanka ka tirsanaa aan iyaga meesha laga saarayn, ayaanu garanay meeshu way ina qaadaysaa oo inaga badan, gobaladaas bariga shishe iyo galbeedka shishe in badan ayaa la garan la’aa ilaahayna maanta waa uu ina garansiiyay, waanaynu u aayi doona.” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac, waxaanu intaas raaciyay in mar haddii ay maanta Beesha Salal fuushay salaanka sare ee siyaasadda Somaliland, uu rajaynayo in haddii Alle idmo oo uu Xaqsoor ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ay markaasna ku biiri doonaan hoggaanka sare ee jaangooya talada Somaliland.

Urur siyaasadeedka Xaqsoor, wuxuu noqday ururkii u horeeyay ee golihiisa sare ee talada ururku ay ka go’do ku dara beelaha bariga iyo galbeedka Somaliland oo tabasho badan ka tirsada hanaanka siyaasadeed ee Somaliland.

Georgi Kaptchits ayaa sheegay in ereyga AF ugu horeeyey af soomali uu maqlaa oo laba micne leh.