Wasiir Cabdi Aw Daahir Oo Ka Hadlay Shirkii Widhwidh Iyo Wada Hadalka Shalay Furmay

0
890

 

aw daahirWidh-Widh(Geeska)-Waxa shalay ka furmay magaalda Widh-widh gogashii nabadeed ee uu madaxwayne Axmed Siilaanyo u dhigay beesha gobalka Sool, iyada oo ay ka soo qayb galeen go’gashaasi nabadeed ergooyin aad u tiro badan oo ka socota beesha gobalka Sool iyo waliba garabka hubaysan ee nabad diidka ah ee SSC xubno kamida golahooda dhexe, waxaana xukumaada shirkaasi uga qabgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaano.

Haddaba waxa uu xalay wargayska Geeska Afrikala xidhiidhay wasiirka xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo isagu hogaaminayay waftigii xukumaada ka socday ee shirkaasi ka qayb galaayay, waxaanu ka xog waramay wasiirku sida uu shirku ku furmay iyo wax yaabaha layskula soo qaaday furitaankii shirkas isaga oo arimahaas ka hadalayana waxa uu yidhi “Sagaalkii subaxnimo ayuu shirkii ka furmay goobtii loogu talo galay ee magaalda ee Widh-waidh, waxaa ka soo qayb galayna ergo ka badan laba boqol oo ergooyinka gobalka Sool kasocda,  waxa iyna ka soo qayb galay garabkii hubaysnaa golahiisii dhaxe oo uu kamid yahay gudoomiyahii golaha dhaxe (Khusuusiga), xoghayihii maaliyada, xoghayayaal kale,xubna kale oo gudida fulinta kamida. Shirkuna waxa uu ku bilaabmay jawi naagsan, xaga xukumaadana waxa ka soo qab galay madax kamida golaha wasiirada iyo baarlamaanka, maanta shirku waxa uu ahaa bilaw waxaana layas waydaarsaday khudbado ku salaysan nabada, wada’hadal iyo inbeelaha walaalaha ahi ay nabad wada-qaataan”

Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in shirku siisocanayo, isla markaana la saarayo gudiyo lafa gura wixii tabashooyina ee dhinacyadu ay qabaan, isagoo arimahaasi ka hadalayana waxa uu yidhi “Shirku wuu sii socnayaa waxana la saarayaa gudiyo arimaha tabashooyinka sii lafa gura hadday noqoto dhinaca siyaasada iyo hadday noqoto xaga nabadaba, lakiin maanta [shalay] shirku wax uu ahaa uun furitaan iyo wacyigalin dhinacyada kala duwani ay is waydaarsadeen ayuun bay ahay”

Ugu danbayntii waxa uu wasiirka xanaanda xoolaha Dr.Cabdi Aw Daahir oo hoggaaminayay waftigii shirkaas uga qayb galay xukumaadu uu ku tilmaamay inay shirkaas ka soo qayb galeen ergo lagu qiyaasi karo boqolkiiba sideetan oo matali karta beeshaas dagta gobala Sool, hadaldiisiina waxa kamida “Xoog ayaa gogashani looga soo qayb galay, waanay jirikaraan dad badan oo aan ka soo qayb galin, taas laftooda dadku waa ay  ku kala horeeyaan talo helida , nabadana waa loo kala horeeyaa, haddii nabad la doonayona waxa ay u baahan tahay socod badan iyo dadaal markaas waa ay jiri kartaa inaan xubno badani ka soo qayb galin, lakiin macnawiyada meesha taalaa waxa weeye boqolkiiba sideetan inkabadan ayaa ka soo qayb gashay oo ergo dadka matali karta ah oo ka kooban odayaal, cuqaal, waxgarad iyo garabkii hubaysnaaba.”