Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 9aad

0
615

Maalin dhan ayaa ay Trump kula qaadatay Guriga Cad

In kasta oo uu muddo dheer ahaa maalqabeen hab-maamuus heer sarreeya shaqaalihiisa iyo inta badan dadka kale ee uu la kulmaaba ku qaabilaan, tan iyo maalintii uu garaadsadayna uu nolol raaxo leh ku naalloonayey, haddana marnaba nolosha Guriga Cad lama mid ah tii uu hore u soo yaqaannay. Dadka ku xeeran iyo sababta ay ugu xeeran yihiin, habka loola macaamilayo iyo maamuuska uu mutaysanayo, iyo xitaa shaqada uu qabanayaaba waa ay ka duwan yihiin tii uu hore u soo arkay.

Kala duwanaanshiyahan iyo sida uu madaxweyne Trump ula qabsaday waxaa u kuur gashay Maggie Haberman oo ah warfidiyeen ka tirsan wargeyska caanka ah ee New York times, kadib markii ay hal maalin shaqo oo subaxdii hore illaa cawayskii ah Guriga Cad kula qaadatay madaxweynaha cusub iyada oo la socota hawlihiisa maalintaas oo dhan.

Gacanyareyaasha Madaxweynahaha ayaa warfidiyeen Maggie sir ah ugu sheegay in Trump uu bilowgii cabsi badan ka muujiyey tallaabadan cusub ee uu Guriga Cad ugu soo guuray iyo isbeddelka nololeed ee u bilowday, laakiin isagu taas uma’ uu qiran ee waxa uu u sheegay in Gurigiisan cusub ay iyada qudheeduba ku arki doonto wax badan oo ay jeclaan doonto. Trump oo mar kale isla saxafiyaddan talefanka uga sheekeeyey fiidnimadii Salaasada ayaa waxaa hadallada uu ku cabbirayey dareenkiisa la xidhiidha nolosha u cusub ee Guriga Cad, ka mid ahaa, “Horta waxa aan halkan ka helay talefanno aad u qurux  badan oo aanan abidkayba hore u isticmaalin” Laakiin waxa uu si dadban dareen uga muujiyey nidaamka amni ee uu Guriga Cad madaxweynaha ku qasbayo iyo si guud xidh-xidhnaanta xorriyaddii uu haysan jiray beddeshay ee dhinaca amniga iyo weliba xorriyadii uu hore u haystay in uu la hadlo cidda uu doono, marka uu doono, laakiin imika ay tahay in la maro qorshe iyo hab-raaca amni. Waxa kale oo uu sheegay hadallo duur xul ahaa oo uu ku muujinayey in hadalka uu hadda Talefanka ka leeyahay yahay mid ammaan haysta oo aanay cidi dhegeysan karin, cabsina looga qabin in erey ka mid ah la maqlo ama duubo. Hadalladaas oo loo fasirtay in uu Trump muujinayso in uu hore dhibaato dhinaca dhegeysiga talefannadiisa ah ula kulmay, ama cabsi badani ka hayn jirtay. Isaga oo qoslayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Halkan waxaa ka jira nidaam ah ka ugu ammaanka adag dunida oo dhan, xitaa ereyada aad odhanayso ayaad ka baqaysaa in ay hawada ku qarxaan”

Bilowgii arooryadiisa:

Haweenaydan warfidiyeenka ah ee maalin shaqo Guriga Cad kula qaadatay madaxweyne Trump, waxa ay ka sheekaysay sida ay ku bilaabato maalinta Turmp. Waxa aana qoraalkeeda ka mid ahaa, “Sida horeba caadada ugu ahayd Trump markii uu ganacsigiisa gaarka ah ka shaqaysanayey ee uu deggenaa qasrigiisa dheer ee Trump Tower, Waxa uu hurdada ka soo toosay Lixda subaxnimo, waxa aanu indhaha ku kala furaa Talefishanka oo xadhig gaar ah oo toos ahi uu keeno Guriga Cad, marka uu warka daawado waxa uu tagaa qolka cuntada oo ku yaalla dhinaca galbeed ee Guriga Cad, waxa aanu quraacda ku ladhaa akhrista wargeysyada subaxdaas” Maggie iyada oo si gaar ah uga warramaysa wargeysyada ay subaxdan ku aragtay isaga oo akhriyayana waxa ay sheegtay, Wargeysyada New York Times, New York Post iyo wargeyska Washigton Post.

Sagaalka Subaxnimo ayaa uu madaxweyne Trump bilaabaa kulamadiisa shaqo iyo qaabilaadda masuuliyiinta kala duwan ee uu ballanka la’ leeyahay. Marka loo eego jadwalkii shaqo ee uu Trump u mari jiray hawlihiisii ganacsi iyo maamulkii shirkadihiisa oo ahaa shaqo aad u baaxad ballaadhan, culayskeeduna badan yahay, Trump waqtiga uu fadhiisiga xafiiska iyo kulamada bilaabi jiray waa uu ka dambayn jiray ka uu hadda bilaabo.

Trump ma akhriyo buugaagta, laakiin waxa uu waqti fiican oo habeenkii ah ku qaadan jiray daawashada talefishannada, taasna hadda aad ayaa uu u yareeyey.

Shaqooyinka uu subaxda horeba qabto inta aanu bilaabin kulamada ee uu weli joogo dhinaca galbeed ee Guriga Cad, waxaa ka mid ah, in uu saxeexo waraaqaha awaamiirta kala duwan iyo fulinta ah iyo guud ahaan dhukumantiyada saxeexiisa u baahan ee soo gaadha xafiiskiisa.

Waa uu ka helay Guriga Cad

In kasta oo uu Trump tan iyo carruurnimadiisii barwaaqo ku soo noolaa, nolosha adduun dhaldhalaalkeeda iyo raaxadeeda wax ka maqanina aanu jirin ama yaraa, haddana waxaa ka muuqata in uu si aad ah uga helay nolosha Guriga Cad, gaar ahaan maamuuska iyo qaddarinta Gurigani ku qaabilo cidda soo gasha (Maamuuska Madaxweynayaasha), waxa uu Trump si gaarah hoosta uga xarriiqay bedka uu gurigu aadka u ballaadhan ee uu Guriga Cad ku fadhiyo oo sahlaya in isaga oo shaqada ku gudo jira, haddana uu socod fiican helo, tusaale ahaan isaga oo xafiiskiisa ka soo kacay oo xafiis kale hawl u tegeya ama xafiis kale shir ku leh.

Turmp oo mar kale ka hadlayey sida shaqaalihiisa cusub iyo qoyskiisu ay uga heleen quruxda Guriga Cad gudihiisa waxaa uu si gaar ah u xusay in iyaga oo hawl u socda, haddana indhahoodu hadba dhan jalleecayaan si ay u daawadaan guriga, “Dadka igu xeerani, halkan ayaa ay maraan iyaga oo aan doonayn wax aan ka ahayn in ay waqti dheer ku qaataan u fiirsiga quruxdan” La soco………