Saliid Saytuunta Iyo Afakaadhadu Waxa Ay Ka Mid Yihiin Cintooyinka Caafimaad Qabka Iyo Cimri Dhererka

0
755

London (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in cuntooyin ay ka mid yihiin saliid Saytuunta iyo Afakaadhadu ay yihiin cuntooyinka la xaqiijiyey in ay si weyn uga qayb qaataan caafimaadka guud ee qofka. Cuntooyinkan oo uu Geeska Afrika ka soo qaatay Saliid Saytuunta iyo Afakaadhada oo ka mid ah cuntooyinka laga heli karo dalkeenna ayaa cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Stanford ee dalka Maraykanku ay caddeeyeen in nooca duxda ku jirtaa ay qofka ka caawiso caafimaad wanaagga xitaa haddii uu gaadho da’da 100 oo inta badan qofka xaalado caafimaad darro oo badan laga filan karo.

Cilmibaadhayaashani waxa ay aaminsan yihiin in duxdu ay unugyada ka ilaaliso calaamadaha gabowga. Laakiin waxa ay khubaradu sheegeen in ay muhiim tahay in qofku uu xaddi maangal ah ka cuno, maadaama oo haddii uu aad isugu badiyo la og yahay in ay miisaanka kordhiyaan, ama in ay keeni karaan dhibaato kale oo caafimaad darro.

Tijaabooyin ay sameeyeen xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey ayaa muujiyey in isticmaalka saliid Saytuunka iyo Afakaadhaha oo la badsadaa ay miisaanka kordhiyaan, laakiin haddana cimri degdegga ay ka hor tagaan. Si guudna ay caafimaadka u wanaajiyaan.

Cilmibaadhistan ayaa sidoo kale muujisay in Saliid Saytuunta iyo Afakaadhadu ay ka hortag fiican u noqon karaan xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo macaanka, sidoo kalana ay dawo u noqon karaan qofka xanuunnadan qaba ee joogteeya in uu xaddi aan aad u badnayn ka isticmaalo.

Bare-sare Anne Brunier oo hormuud u ahayd cilmibaadhistan ayaa iyaduna sheegtay in natiijada ay heleen ay muujinayso sababta keentay in dadka isir ahaan ka soo jeeda Koonfurta Qaaradda Yurub oo la og yahay in ay si aad ah u isticmaalaan saliid Saytuunta iyo cuntada baddu ay ka cimri dheer yihiin dadka kale ee qaaradda, isla markaana ay ku yar yihiin xanuunnada ku dhaca wadnaha, iyada oo weliba la og yahay in ay yihiin dad dhaqan ahaan aad u isticmaala dufanka.

Dhinaca kalana waxa ay cilmibaadhayaashu caddeeyeen in Saliid Saytuunta iyo Afakaadhadu ay yihiin cuntooyinka ugu fiican ee dunida maanta, sababtuna ay tahay maaddo ku jirta oo lagu magacaabo Oleocanthal, taas oo awood u leh in ay yarayso jidh ololka.