Khatarta Ay Leedahay In Habeenkii Laydhka Lagaga Seexdo Talefanka Iyo Talooyin La Xidhiidha Oo Muhiim Ah

0
529

Ribat (Geeska)- WAxaa dhowaan dalka Marooko ka dhacay gubasho guri oo sababtay geerida Aabo iyo saddex hablood oo uu dhalay. Dabka guriga qoyskan gubay ayaa ka bilowday talefan dabka (Korontada) ku jiray oo gubtay.

Dhimashada aabahan iyo hablihiisa oo midda ugu weyni ay 14 sano jir ahayd, waxa naxdin ku ridday guud ahaan dadka dunida ee warkani gaadhay oo og in sababta dabka gurigan ka dhalisay ay tahay mid guri kasta oo dunida maanta ah ku iman karta. Maadaama oo la wada og yahay in talefannada gacanta ee maanta guri kasta lagu isticmaalo aalaaba dabka lagaga seexdo habeenkii, si qofku uu subaxnimada si toos ah ugu shaqaysto talefankiisa.

Ma’aha markii ugu horreysay ee shil kan oo kale ahi uu geysto khasaare nafeed, waana sababta ay khubaradu korontadu ay ugu celceliyaan in talefannada gacanta aan habeenkii dabka lagaga seexan ee maalintii uu qofku dabeeyo, maadaama oo ay maalintii fududahay in la xakameeyo khasaaraha ka dhalan kara haddii uu gubto. Booliiska dalka Ingiriiska oo ay soo mareen xaalado sidan oo kale talefanno guryo u gubeen ayaa bishii Noofambar ee sannadkii aynu ka soo gudubnay ee 2016-ka waxa uu soo saaray digniin uu dadka ugu sheegayo in aan habeenkii dabka lagaga seexan talefannada gacanta iy oguud ahaanba qalabka korontada lagu dabeeyo. Sida oo kale waxa uu booliisku ku taliyey in aan talefanka ama qalabka kalaba dabka lagu deyn muddo ka badan inta uu u baahan yahay.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee CNN ayaa lagu sheegay in Dominic Littilewood oo ku takhasusay isticmaalka iyo khataraha korontadu uu ku taliyey in qalabka la dabeeyo oo korontada lagaga tago muddo dheer ay leedahay khatar ah in ay qarxaan oo gubasho ay sababaan.

Khubarada ka hadashay khatarta gubasho ee ay talefannada iyo qalabka kale sababi karaan haddii muddo dheer dabka lagu daayo ama iskood ay u qarxaan, ayaa sidoo kale soo jeediyey qodobbada hoos ku xusan:

– In kasta oo ay jiraan talefanno badan oo kuwa casriga ahi in ay dabka iska jaraan marka uu baytarigu buuxsamo, haddana waxa ay khubaradu sheegayaan in aan taas mar kasta la isku hallayn karin, gaar ahaan waqtigan la joogo oo ay talefannada asaliga ah iyo kuwa loo ekeysiiyey aad isugu dhex qasmaan.

– Khatarta ah in talefanka ama qalabka kale gubtaa waxa ay sii badanaysaa marka uu yaallo meel heerkulkeedu sarreeyo, tusaale ahaan barkimo hoosteeda ama go’ hoostii la geliyo.

– Haddii ay ka fursan weydo in qofku uu talefanka habeen kaga seexdo korontada, waxaa muhiim ah uu saaro meel adag oo aan gubanayn.

– Xadhiga dabaynta talefannada ama qalanbka kale, haddii aanu ahayn kii asaliga ahaa ee la socday qalabkan ama la hubay in shirkaddii lahayd samaysay, waxaa kor u kacaya khatarta ah in uu gubasho sababo.

– Warbixinno kala duwan oo ka soo baxay hay’adaha ay khusayso xakamaynta isticmaalka badan ee tamarta, ayaa isku raacsan in talefanka ama qalabka kale ee dabka la geliyaa, haddii ay ku jiraan waqti ka badan kii ay u baahnaayeen ay qasab tahay in ay badiyaan isticmaalka laydhka. Hay’adda Ingiriiska u qaabilsan dhowrtaynta korontaduna waxa ay caddaysay in qoysaska talefannada kaga seexda laydhka uu biiloodka laydhku kordho ugu yaraan 61 illaa 100 doolar sannadkii.

Khubaradu waxa ay sheegeen in xitaa marka talefanku buuxsamo ee uu dabka iska jaro, in weli isticmaalki korontadu sii soconayo, waxaa iyaduna la mid ah marka xadhiga dabaynta lagaga tago isaga oo xidhiidhsan, xitaa haddii aanu talefankii ama qalabkii kale ku jirin, waxa uu kordhiyaa isticmaalka laydha.

– Shabakadda ‘ Ka digtiinoow korontada’ oo laga leeyahay dalka Faransiisku waxa ay sheegtay in haddii xadhiga lagu dabeeyo talefanka, kombiyuutarrada ama qalabka kale, lagaga tago isaga oo laydka ku jira oo aanu dhinaca kale talefankii ama qalabkii kale kaga jirin, in ay taasi kor u qaaddo khatarta ah in gubasho uu sababo, kadib marka uu xadhigu aad u kululaado dabka uu nuugayo ee aan dhaafayn awgeed.