Salaadiinta Subeer Awal Oo Madaxweynaha U Gudbiyay Go’aanka Wershada Sibidhka

0
4567

 

dhaqanHargaysa( Geeska )- Toban Suldaan oo ka mid ah madaxdhaqameedka beesha Subeer Awal oo uu hoggaaminaayo suldaanka guud ee beeshaas Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa daboolaka ka qaaday in go’aankii ay sulaadiintu beeshaasi ka soo saareen muranka warshada sibidhka inay u gudbiyeen maadaxweynaha Somaliland, isla markaasna isaga laga sugaayo go’aanka kama danbaysta ah ee arinkaas.

 

Suldaanka guud waxa uu go’aankaas ku tilmaamay mid ay saalaadiintu ka garnaqistiisa ku jireen saddexdii bilood ee ugu danbaysay ayna la kulmeen labada dhinac ee ku muransan dhisitanka warshada sibidhka ee Berbera, waxaanu si cad u sheegay in labada dhinacba ay siiyeen kalsooniday ku hawlgaleen.

Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay xildhibaano iyo laba suldaan oo kale oo ka soo horjeestay go’aankoodaas, isla markaasna uu sheegay inay ku dureen warbaahinta, waxaanu si adag u sheegay in aan salaadiinta lagu khuukhin karin gudida Dan iyo Duco oo uu ku sheegay inay tahay mid ay gacantooda ku soo dhiseen. Waxaanu suldaan Xasan hadalkiisa ku bilaabay “Shirkan jaraa’id ee ay isugu yimaadeen salaadiintii markii hore soo saaray war-saxaafadeedkii hore, kaasoo ujeedada maanta nagu kaliftay shirkan jaraa’id waxa ujeedadiisu tahay in aanu jawaab kaga bixino koox aanu salaadiin u nahay oo ay ku jireen xildhibaanno iyo saddex suldaan oo salaadiinta subeer Awal ku weerartay warbaahinta maalintii shalay, taasoo shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadka layaab ku noqotay, maadaama salaadiintu dhaqankeena ka yihiin bir ma gaydo.”  Waa uu sii watay suldaanku hadalkiisa, waxanau yidhi “Nin suldaankiisii weeraray dhaqan umaynaan lahayn, halkaasna biri ma gaydu ma taal, dulucda shirkayagani waxa weeye laba warsaxaafadeed oo shalay warbaahinta ku soo baxay oo salaadiinta lagu weeray oo ay soo kala saareen guddida warshadda sibidhka Berbera iyo kooxda kale ee saalaadiinta iyo xildhibaannada ah.”

Ugu danbayntii waxa uu suldaanku shirkiisan jaraa’id ku soo gunaanaday “Waxaanan ilaahay uga baryayaa in kooxdaasi aan lagu suntin kooxdii salaadiinta weerartay, waanu uga ducaynaynaa oo sida shacabkayagu uga naxeen baanu uga ducaynaynaa, go’aanka aannu soo saarnay oo ahaa mid xal ah, xukuumadduna go’aanka kama dambaysta ah leedahay, xukuumaddana waxaannu ku boorinaynaa inay go’aan degdeg ah ka gaadho oo weliba lagu wada qanco go’aanka dawladdu ka soo saarto warshadda sibidhka, shacabkana waxaan leeyahay meel halooga soo wada jeedsado nabadgelyada iyo maalgashiga dalka. Guddida Dan iyo Duco ee lagu aasaasay shirkii Dudbureed oo warsaxaafadeedka lanagu weeray ku jiray waxaan leeyahay anaga lanaguma khuukhin karo guddida dan iyo duco oo aniga iyo suldaan Kooshin waxannu nahay kuwii guddidaas dhalay ee ka shaqaynayey shirkii Dubereed.”

Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal Sudlaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa shirkiisan jaraa’id ku wahelinaayay oo halkaas hadalo aan ka fogayn kuwiisa ka soo jeediyay sagaal suldaan oo kale oo ka tirsan beeshiisa, oo kala  ahaa suldaanka guud ee beesha Ciise Muuse Suldaan Cismaan Suldaan Cali kooshin iyo  Suldaan Ibraahin Sulub Nuur,Sudlaan Xuseen Aw Muuse Cirday,Boqro Xasan Maxamd Siciid,Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahin (Tuulo),Sudlaan Axmed Nuur Salaame,Sudlaan Islaamciil Aadan (Baxar),Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele,Suldaan Maxamuud Xandule.