Danjire Mahiga Oo Si Dadban Ugu Hanjabay Madaxda Dawladda Somaliya

0
658

 

mahigaMuqdisho(Geeska/w.Wararka)-Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay inay jiraan xubno doonaya in lasoo magacaabo xildhibaanno ay iyagu wataan, isagoo sheegay inaan la aqbali karin arrintaas.

Danjire Mahiga ayaa marxalad adag ku tilmaamay xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo la doonayo inay sal adag u noqdaan dowlad-wanaag, isagoo xusay inay xulista xidlhiabannadu tijaabo u tahay sharafta odayaasha, lagana doonayo odayaasha inay soo xulaan baarlamaan ka shaqeeya danaha Somaliya. Wuxuu sheegay in ka mid noqoshada baarlamaanka cusub aysan ahayn wax shaqo lag dhigto balse ay tahay howl adag, isagoo sheegay in xildhibananada cusub ay u hoggaan sami doonaan shuruucda.

Qoraalka kasoo baxay danjire Mahiga ayaa sheegay inay jiraan xubno mas'uuliyiin ah hadda iyo kuwo hore  xilal u hayay oo doonaya in lasoo xulo xildhibaanno ay wataan, wuxuu mas'uuliyiintaas ku tilmaamay inay wadaan caga-jugleyn, laaluush bixin, eexasho iyo musuqmaasuq."Ma ogolaan karno in kuraasta baarlamaanka ay noqdaan badeecad la kala iibsado ama xaraash laga iibinayo hadba ciddii lacag badan, waayo waxaan hadda ku jirnaa xilli aan raadinayno sharafkii ay Soomaaliya lahayd," ayuu Mahiga ku yidhi qoraalka uu soo saaray.

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in la garanayo dadka adeegsanaya xeeladaha isugu jira caga-jugleynta iyo laaluush bixinta, balse ma sheegin magacyadooda, isagoo ku daray hadalkiisa inay joojiyaan dhaqanka noocaas ah iyo inay xushmeeyaan xaqa ay dumarku u leeyihiin inay ka qayb-qaataan hannaanka siyaasadda Soomaaliya.