Muftiga Sucuudiga oo sheegay in dawada naqaska ah ee dadka xiiqda qabaa isticmaalaan iyo kiniinka wadnuhu aanay soonka jabinayn: Diyaariye Kamaal Ahmed Ali

0
1034

 

sheekjSucuudiga- Sheekh Cabdalcasiis Aala Sheekh oo ah muftiga guud ee boqortooyada dalka Sucuudiga ayaa sheegay in daawada naqaska ah ee dadka xiiqda qabaa ay afka ku buufiyaan, qofka bukaanka ah oo oo neefta Oxygen ka qaata sanka iyo afka, (lagu rakibo Oxygen), irbadda Insulin ee dadka macaanka qaba lagu mudo iyo kiniinka wadne xanuunka ee carrabka hoostiisa la saaro, in aanay dhammaantood wax dhibaato ah u geysanayn soonka, “Laguma tirin karo cuntada iyo cabbitaannada midna, wax uur ku jirta gelayaana ma jiro” ayuu sheekhu yidhi isaga oo sababtana sheegaya. 

 

Sheekh Aala Sheekh waxa uu sheegay in irbadaha cuntaysiiya qofka oo si badheedh ah loo qaato, dhiig lagu shubo iyo gabadha oo caadadu ka timaaddaa ay iyagu soonka burinayaan. Isaga oo dhanka kalana Sheekhu dadka uga digay in ay iska ilaaliyaan dhaqannada burinaya ama nusqaaminaya ajarka soonka ay ka heli lahaayeen, waxaana ka mid ah beenta, khiyaamada, xanta, isku dirka, xuquuqda dadka iyo sharaftooda oo uu meel lagaga dhaco iyo xoolo xaaraan ah oo uu qaato