Salaadiinta Beelaha Gabooye Oo Farriin Hanjabaad Ah U Diray Madaxweyne Silanyo

0
757

 

Hargeysa (Geeska) Qaar ka tirsan sulaadiinta beelaha gabooye ayaa si kulul xukumada madaxweyne Axmed Siilaanyo uga dalbaday in la siiyo saamiga ay beel ahaan xaq u leeyihiin, kuwaas oo sheegay in dalka ay ka jirto cadaalada daro uu ka hadlay madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) beel ahaan kula kacay cadaalad daro iyo takoor, kuwaas oo sheegay inay dhigi doonaan isku soo baxayo ay ku dalbanayaan xuquuqdooda.

Salaadiinta iyo masuuliyiinta fariinta u diray madaxweynaha waxaa ka mida Boqor Axmed iimaan Warsame, Suldaan Saxardiid Faarax oo ka mida Salaadiinta beelaha gabooyee ee gobolka Togdheer. Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Boqor Axmed Iimaan Warsame, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aanu xukumadaada ka tirsanaynaa dulmi weyn, xaqiraad, midab kala sooco, takoorid maanta aad ogtahay inay caalamka ka dhmaatay. Waxaad tahay gudoomiyihii ugu mudada dheeraa SNM, waxaad ka dagaalantay dulmi, xaqiraad, cadaalada daro, wixii aad madaxweyne ka dagaalantay oo dhan, anagu maanta waanu tirsanaynaa, taasina waa ayaan daro adiga oo shalay ka dagaalamaayey cadaalada daro oo toban sano in ku dhaw aad kaymaha ku jirtay oo uu maanta ilaahay kula sugay oo aad madaxweyne wadankii ka noqotay  in lagaaga cawdo cadaalad daro oo aad beelihi kala qaad qaadid oo aad takoortid beelahan laga tirada badan yahay oo aad jeel ku xidhatid, beelihii kalana aad saami dheeraada siisid, taasi waa dulmigii aad ka dagaalantay ee aad adigu diiday anaguna kaa yeeli-mayno madaxweyne”

Boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray in uu madaxweyne Axmed Siilaanyo cadaalada daro awgeed ka qaatay qori, isla markaana dagaal dheer la galay dadkii markaas laga tirsanaayey cadaalad darida, waxaanu yidhi “Adigu xabad ayaad qaadatay oo nafo badan ayaa ku dhintay dagaalkii aad cadaalada darida kaga dagaalamaysay, anagu maanta xabad qaadan mayno, wadanka burburin mayno, kaymana gelimayno, laakin waxaanu ka faa’idaysanaynaa kacdoonka maanta caalamka ka jira ee ah mudaharaad salmiya oo aanu xaq u leenahay hadii aanu muwaadiniin nahay, xabad roodhiya  iyo xabad biyo ah ayaanu qaadanaynaa oo kheyriada ilaa madaxtooyada maatidayada iyo caruurtyada ayaanu seexinaynaa ilaa inta aanu helayno xuquuqdayda”

Ugu danbayntii wuxuu Boqorku madaxweynaha iyo la taliyayaasha ka dalbaday inay dib u eegaan saamiga beelaha kale iyo ka beelaha gabooye, isaga oo sheegay in saamiga laga qadiyey beelahoodu uu yahay mid aar goosi siyaasadeed ah, waa sida uu u dhigay hadalkiisee  “Madaxweyne waxaanu ku waydiinay xaqna aanu u leenahay cabashadayda in aanu kuu soo bandhigno bal dib adiga iyo la taliyayaashadu isugu noqdoo bal beeshan saamiga aad siiseen. Ilaa wasiir, wasiir ku xigeen, agaasime guud, agaasime waaxeed wax aanu dawladaadan ku leenahay ma jirto, taasna waxaanu u aragnaa inay tahay aar goosi siyaasadeed. Sababtoo ah waxaa la yidhi Somaliland waa la is wada cafiyey bari iyo galbeedba saamigoodii way haystaan. Markaa madaxweyne waxaanu ku leenahay waanu rabnaa xuquuqdaydii oo xal salmiya ayaan ku rabnaa, dhibaato iyo dagaal wixii aad adigu ku kacday kuma kacayno. Adiga laba ayaa ku banaan inaad xaqayga na siiso iyo inaad sida hogaamiyaha Libya aad tidhaahdid dadkani way i dhibeena iga mariya oo aad askartaada nagu dalbatid oo aad  na xasuuqdid”

Waxaa isna halkaas ka hadlay Suldaan Saxardiid Faarax oo sheegay inay dhigi doonaan isku soo baxyo ay ku muujinayaan cabashada ka dhanka ah xukumada madaxweyne Axmed Siilaanyo