Tifaftiraha Wargeyska Jamhuuriya Oo La Xidhay, Xalayna La Soo Daayay

0
969

 

ciroHargeysa(Geeska)-Ciidamad ammaanka ayaa shalay xabsiga u taxaabay tifaftirihii Wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar  (Cirro), waxaanu ku xidhanyahay xarunta CID-da. Laakiin goor dambe oo xalay cawayskii ah ayaa la soo daayay.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Wargeyska Jamhuuriya ayaa noo sheegay in saxafigan la xidhay isagoo shalay gelinkii dambe ku guddo jira waajibaadkiisa saxafnimo, kuna sugnaa xarunta Wargeyska. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Md. Xasan Axmed Cabdi, ayaa la sheegay inuu bixiyay amarka qabashadiisa isagoo maxkamadda ka soo goostay waaran qabasho ah, si rasmi ahna looma garanayo sababta keentay xadhiga saxafigan. Waxase la filayaa inuu xadhigiisu ka dambeeyo war uu Wargeysku toddobaadkan qoray oo sheegayay in dawladda Hoose ee Hargeysa ay dhismayaal cusub u dhistay xeer ilaalinta qaranka si ay uga badbaadaan inuu soo oogo dacwad musuqmaasuq oo uu Wargeysku sheegay inuu maayarka Hargeysa iyo xigeenkiisa ku oogay hantidhawraha guud ee qaranku oo muddooyinkan dambe ku waday baadhis.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin xadhiga saxafigan ayaa ka soo horjeedo xeerka saxaafadda madaxabanaan, inkastoo dedaalo badan ka dib xalay la soo daayay.