Dildilaaca Amni Ee Magaalada Lascanod Iyo Xogta Ku Duugan Warqad Uu Geeridiisa Ka Hor Qoray Taliyihii Hore Ee Sirdoonka Sool Oo Toogasho Lagu Dilay

0
1069

laas

 

Hargeysa (Geeska) Muddooyinkan u dambeeyay marka la joogo labaataneeye maalmoodba waxa magaalada Lascanod laga soo sheegaa war dhiilo leh oo sheegaya in qof masuul ah rasaas lala beegsaday, waanay yartahay in qofka la beegsaday uu nolol ahaan uga kaco dhaawaca soo gaadhay, taasina waxay muujinaysaa in weerarada dhacayaa yihiin kuwo qorshaysan oo qofka meel dhow loola soo istaagayo rasaasta si aanu uga badbaadin.

Toddobaadkan waxa si badheedh ah loo toogtay guddoomiyihii ururka haweenka qaranka ee NOW Marwo Nadiifo Maxamed Colu-joog, habeenkii ka soo horeeyayna waxa la beegsaday gabadh kale oo dhallinyaro ah, marka laga tago falalkii horena ma jirto cid loo qabtay weeraradan u dambeeyay;  sida ay sheegtay hooyada Nadiifana markii weerarku dhacayay waxa meel aan ka dheerayn ku sugnaa saddex askari oo Boolis ah oo aan xataa qabasho iska daaye ka jawaabin weerarka lagu qaaday muwaadinada aan waxba galabsan ee ay masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta naftiisa.

Dadweynaha reer Lascanod waxay tilmaamayaan in waxyaabahani yihiin kuwo laga abaabulo gudaha Lascanod islamarkaana la yaqaan cidda wax disha laakiin aanay cidina sheegayn,“Meeshan dad  faro badanina waa ay joogtay, sadex nin oo askar ahi waxa ay fadhiyeen meel ii dhawayd, haba-yaraatee cid ninkaas dhankiisa isu dhaqaajisay may jirin, inan yar oo ay dhashay mooyaane oo waliba naftiisu ay halis ku gashay. Dadkana waxa badanaa lagu dilaa dareen la’aan aan dadku dadka qabanaynin. Arintanina waa mid isku xidhan dawladuna hadaanay waxba ka qabanayn dee dadka yaan meesha lagu haligine nin waliba xamaamadiisa haka soo urursado.” Sidaas waxa tidhi hooyada haweenayda dhaawaca toddobaadkan la gaadhsiiyay oo u warantay Wargeyska Geeska Afrika.Hadalkeeda waxa laga dhadhansan karaa in waxa dhacaya ay dad badani ogyihiin, laakiin aan waxba laga qaban, waxase nasiib xumo in marka ay waxyaabahani dhacayaan ay magaalada Lascanod iyo guud ahaan gobalkaba joogaan madaxda dawladda Madaxweyne Siilaanyo u qaabilsan gobalka Sool iyo weliba masuuliyiin kale oo ka soo jeeda gobalkaas oo Hargeysa laga diro.

Waxa kale oo wax laga naxo ah in qof kastaa marka la dilayo uu maalin ka hor soo hadlo una soo sheego hay’adaha ammaanka ee Somaliland balse aan waxba laga qaban. Ilo xogogaala ayaa  Wargeyska Geeska Afrikau sheegay in haweenaydan Marwo Nadiifo ay soo hadashay maalintii weerarkeeda ka horeeyay oo ay sheegtay in la dili doono. Odaygeedii Alle haw naxariiste oo ahaa taliyihii sirdoonka qaranka oo isna sidan oo kale loogu khaarajiyay hawlgal qorshaysan ayaa isna geeridiisa ka hor soo sheegay in loo maleegayo qorshe dil ah. Warqad ay eheladiisu soo gaadhsiiyeen Wargeyska Geeska Afrika, oo uu qoray Marxuumku dilkiisa ka hor una soo diray hay’adaha ammaanka ee Hargeysa, ayaa wuxuu ku sheegayaa in la qorsheeyay in la khaarajiyo isagoo dalbanayo hub uu isku ilaaliyo. “Waxaan codsanayaa cadowga iyo miishanka la ii sameeyay anoo dalkayga iyo qarankayga u shaqaynaya inaad wax igala qabato oo ay ugu horayso inaad ii soo dhiibto qori iyo baastoolad aan isku waardiyeeyo.” Qoraalkan murugada leh waxa uu taliyihii hore ee sirdoonka gobalka Sool ku xusay  warqad uu hay’adaha ammaanka u soo diray dilkiisa ka hor iyadoo xaaskiisiina toddobaadkan dil lala beegsaday balse uu Alle SWT ka badbaadiyay. Waxa uu taliyuhu qoraalkiisaa ku magacaabayaa masuuliyiin sare oo ka mid ah kuwa gobolka Sool ugu jira golayaasha qaranka iyo masuuliyiin uu magacaabay madaxweynuhu. Kuwaas oo uu u sibir saarayo cabsida uu qabay.

Si kastaba ha ahaate, waxaa muuqata in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku fashilantay sugidda ammaanka magaalada Laascanood oo dadka shacabka ah iska dhaafe xataa ay tahli weyday inay sugto ammaanka masuuliyiinteeda oo sababta loo beegsanayaa tahay in laga xanaaqo xil u qabashada qaranka Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo waxa la gudboon inuu la yimaado qorshe lagu sugo ammaanka Lascanod oo intii uu xilka hayay faraha ka baxay, waana in tallaabo adag laga qaadaa cid kasta oo loo tuhmo inay ku lug leedahay dilalka qorshaysan ee Lascanod oo la aaminsanyahay inay yihiin kuwo siyaasadaysan. Madaxweyne Siilaanyo lagama rabo inuu sida dadka shacabka ah murugooda marka uu fal dhaco oo uu dabadeed halkaas ku dhaafo,  waxase laga doonayaa oo loo doortay inuu la yimaado hoggaamin iyo go’aan qaadasho adag , haddii kale khasaaruhu maalin walba wuu sii siyaadi doonaa, xukuumaddana waxa u soo hoyan doonta dheg xumo.