Sac Aaminsan In Uu Ey Yahay

0
787

Picture9Sacramento (Geeska)- Sac ku nool beer ku taalla gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ku dhacay xanuun ku beeray nafsiyan in uu aamino inuu ey yahay. Beth DiCaprio oo ah gabadha leh beerta uu sacani ku nool yahay ayaa dareentay in uu sacan oo ay u bixisay Milkshake aanu sida lo’da kale daaqin cawska, inta badanna uu jecel yahay in uu la joogo eyda, una dhaqmo sida ay u dhaqmayaan. Beth DiCaprio oo la hadashay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay dhacdadan ayaa sheegtay in sacan markii la keenay beertan uu lahaa dabeecado ay ka mid tahay in aanu aqoonin haba-yaraato ee cawska, waxa uu jeclaa oo mar kasta uu isku dayi jiray in uu guriga galo uguna noolaado sida eyga, isaga oo weliba inta uu raadsado cuntada eyda cuni jiray.

Beth DiCaprio oo madax ka ah hay’ad samofal oo ka shaqaysa daryeelka xayawaanka ayaa sacan keentay beertan ay masuulka ka tahay, kadib markii ay ka soo iibsatay qoyskii lahaa oo ku xidhay qafis, qoyskan ayaa sheegay in sacani uu cuntadii diiday isla markaana aanu caano lahayn. Sacan oo loo geeyey dhakhaatiirta xayawaanka ayaa noqonaya tilmaam cusub oo muujinaysa in cudurrada nafsiga ahi ay xayawaanka qudhoodana ku dhici karaan, waxaana hadda socda dadaal ay dhakhaatiirta iyo Beth DiCaprio iskaga kaashanayaan sidii ay sacan looga saari lahaa aaminsanaantan qaldan.