Qabiil Caado U Lahaa In Cidda Ay Dagaalamaan Madaxa Ka Jaraan Si Ay Xasuus Ahaan U Haystaan

0
616

Picture8Delhi (Geeska)- Qabiil lagu magacaabo Konyak oo dega dalka Hindiya ayaa muddo dheer caado u lahaa in qabiilka ay colaadi dhex marto cidda ay ka dilaan inta ay madaxa ka jaraan ay xusuus ahaan madaxaas u haystaan. Qabiilkan oo caan ku ahaa colaadaha badan iyo dagaallada qabiilku waxa uu lahaa kooxo u gaar ah oo mar kasta hubaysan una taagan in ay difaacaan danaha qabiilka weerarrana ku qaadaan hadba qabiilka kale ee colaaddu dhex marto.

Dagaalyahannada qabiilka Konyak ayaa muddo dheer oo ka horreysay Lixdamaadkii waxa ay madaxa ka goosan jireen cadowgooda, taas oo ay astaan ay ku muujinayaan guushooda, waxa aanay caan ku ahaayeen calaamado u gaar ah oo ay ka mid  tahay in wejiga iyo jidhka qaarkiisa sare oo aanay dhar ku xidhi jirin ay xaradho waaweyn ku sameeyaan, taas oo ahayd hab ay dadka kale iskaga soocaan, laakiin wixii 1960maadkii ka dambeeeyey dagaal-yahannada qabiilkaasi waa ay dabar go’een waxaana la aaminsan yahay in maanta ay ka nool yihiin tiro aan tobannaan ka badnayn oo ku filiqsan tuulayaasha degmada Nagaland oo ku taalla woqooyiga bari ee dalka Hindiya. Waxaana la aaminsan yahay in 15ka sano ee soo socda gudahooda ay dhiman doonaan inta badan ee tiradaas ka hadhay dagaal-yahannada qabiilkaas Konyak iyo xaasaskooduba, haddii aanay dhammaantoodba ifka ka tegin.

Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xiganayo Daily Mail waxa uu intaas ku daray in dagaalyahannadani sababta ay u dhimanayaan ay tahay da’dooda oo aad u weynaatay, maadaama oo xilliga ay dhalinyaro dagaallanto ahaayeen hadda laga joogo in ka badan waqti ka badan nus qarni. Xilligaas oo deegaannadaas dalka Hindiya ay ka jireen dagaallo qabiil oo aad u kulul. In kasta oo tirada yar ee ka hadhay dagaalyahannada qabiilka Konyak intooda is-dhaqaajin kartaa ay weli sameeyaan ciyaaro iyo ficillo xusuus u ah dhaqankaas, haddana saxafiyiinta iyo qoraaga kala duwan ee la kulmay ayaa sheegaya in ay dhammaantood ka xun yihiin aadna uga murugoodaan xilligaas dagaallada qabiilka ay ku xallin jireen in ay madaxa ka jaraan cidda ay is hayaan.