Xoogaga kooxda la baxay Dowlada Islaamiga ah ee Ciraaq, Siiriya iyo Lubnaan ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen xarunta Batroolka laga soo saaro ee Baji.
Baji ayaa ah xarunta ugu weyn ee shidaalka laga soo saaro dalkaasi Ciraaq oo ah dalka Labaad ee dunnida dhanka soo saarista Shidaalka. Xarunta Baji ayey tan iyo maalintii Isniintii ay ka socdeen dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Kooxda ISIL oo deegaankaasi isku balaarisay.
Dowlada Ciraaq ayaa weli ku doodeysa inay weli gacanta ku heyso xarunta Baji, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxda ISIL ay la wareegtay gacan ku heynta xaruntaasi isla markaana qafaalatay qaar kamid ah shaqaalihii goobtaasi ka shaqeyn jiray.
Dhinaca kale magaalada Caasimada ah ee Baqdaad ayey ka socdaan abaabul ciidan oo ay wadaan dadka Shiicada ah oo ka cabsi qaba in magaalada ay soo gaaraan xoogaga ISIL oo iyagu ah Sunni.
Shiicada ayaa sheegay inay hubkaa qaateen si ay u difaacdaan magaalada Baqdaad oo ay ku badan yihiin. Wadaadada Shiicada ah ayaa ugu baaqay shacabkooda inay isu diyaariyaan difaaca Baqdaad.
Isla shalay ayay weeraro bambaano loo adeegsaday oo ka dhaceen xaafada Shiicada ku badan yihiin ee Sadar City ee Baqdaad, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 9 qof.
Geesta kale Booliska dowladda Britain ayaa doonaya inay aalada internetka ka saaraan muuqaal muujinaya rag British ah oo ka barbar dagaalamaya jabhadda ISIS ee jihaad doonka ah ee ka dagaalanta wadammada Suuriya iyo Ciraaq.
Muuqaalkan Video-ga ah lama cadaynin waxa uu yahay, Balse ra'iisul wasaaraha Britain David Cameron, ayaa sheegaya in jabhadda ISIS ee jihaadka wada ay Britain ku tahay khatar weyn.
Haras Rafiiq, waa la taliye ka faalooda arrimaha argagaxisada waxuuna sheegayaa in Jabhadda ISIS ay tahay mida ugu lacagta badan argagaxisada aduunka ayna doonayaan inay calaamka xukumaan kuna fidaan.
Rafiiq waxuu intaasi raaciyay in ISIS ay ka khatar badan yihiin kooxda Al-qaacidah.
Aabe dhalay laba jihaadiyiin ah oo ka tagay waddanka Britain si ay ugu biiraan dagaalka ka socda Suuriya, ayaa ka codsaday boqolaal u dhalatay Britain oo ku lug leh kooxaha xagjirka ah ee gobolka in ay joojiyaan dagaalka oo ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.
Mid ka mid ah wiilasha Axmed Muthana, oo lagu magacaabo Naasir, ayaa waxa uu ka soo muuqday Video ay Jimcihii soo dhigeen barta internetka kooxda xagjirka ah, iyagoo ugu baaqay reer galbeedka inay kusoo biiraan dagaalka ka socda wadammada Suuriya iyo Ciraaq.