Sababta Midabka Facebook Buluug U Yahay, Qofkii Ugu Horreeyey Ee Sawirkiisa La Dhigo Iyo Mulkiilaha Oo Aan Arrimihiisa Shakhsiga Ah Ku Faafin Boggiisa

0
571

Picture8Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa sharafta leh kula wadaagayaa dhowr xogood oo la xidhiidha shabakadda facebook oo ah tan ugu isticmaalka badan guud ahaan bar-kulannada bulshada ee Internet ka. Qormadan uu Geeska Afrika soo ururiyey badankeeda waxa uu ka soo qaatay shabakadda Al-Carabiya ee degello kale oo arrimaha Tiknoolajiyadda ka faallooda..

1. Facebook oo ah bar-kulanka bulshe ee dunida loogu isticmaalka badan yahay, ayaa sida la og yahay waxa ugu badan ee maanta loo isticmaalaa uu yahay xidhiidhka iyo saaxiibbada lagula wadaago xogta, sawirrada iyo dhacdooyinka muhiimka ah. Waxaana in badan la arkaa dhalinyaro iyo dad da’da dhexe ah oo bogaggooda soo dhigaya xogo shakhsi ah oo la xidhiidha nolol-maalmeedkooda, taariikhdooda, sawirro iwm. Laakiin arrinta yaabka leh ayaa ah in 31 jirka maamula isla markaana ugu caansan aas-aasayaashii Facebook ninka lagu magacaabo Mark Zuckerberg, intii ka horreysay sannadkan 2015ka aanu shabakadda facebook ee uu wax ka aas-aasay sannadkii 2004ta marnaba u adeegsan in uu ku baahiyo faahfaahin la xidhiidha arrimihiisa shakhsiga ah iyo noloshiisa ama si uun ugu baahiyo. 

Laakiin sannadkan ayaa la arkay in uu dhowr jeer soo dhigay tafaasiil isugu jirta shakhsi iyo shaqo oo tusaale ahaan waxa uu sheegay in uu dhowaan shaqada ka geli doono fasax Laba bilood ah si uu u caawiyo xaaskiisa oo ilmihii u horreeyey la filayo in ay umusho saddexda bilood ee u horreeya sannadka 2016.

2. Mark Zuckerberg waa qofka facebook ugu saaxiibbo badan waxa aanay hadda marayaan 42 Milyan oo ruux.

3. Facebook bil kasta waxaa isticmaala 1 Bilyan iyo 35 Milyan oo qof.

4. Sababta Facebook midabkiisu u yahay buluug ayaa ah maamulaha guud Mark Zuckerberg oo qaba cudurka loo yaqaanno indho beelka midabbada (Color blindness) oo keena in qofka ay iskaga dhex daataan midabbadu ama uu kala saari waayo farqiga u dhexeeya, ama in midabbada qaar uun uu arki waayo marka uu ilaysku caadiga yahay, mana laha dawo.  Mark Zuckerberg waxa aanu arkin midabbada casaanka iyo cagaarka, midabka buluugguna waa kan sida ugu fiican u arki karo.

5. Dhammaan dadka isticmaala Facebook, Mark Zuckerberg waa qofka keliya ee aan la xakamayn tirada dadka Facebook kala saaxiibaya, mana xaddidna tirada dadka saaxiibka la nocon karaa.

6. Waa Ruuxa ugu tabarucaadka badan dalka Maraykanka oo dhan, sannadkii 2013 kana waxa uu tabaruc u bixiyey lacag dhan Hal Bilyan oo doolar.

7. Maalin kasta celcelis ahaan 600 oo kun oo jeer ayaa ay budhcadda internet ku isku dayaan in ay jabsadaan bogagga iyo xisaabaha kala duwan ee facebook ka furan.

8. Tirokoob la sameeyey waxaa lagu ogaaday in ugu yaraan 30 Milyan oo ruux oo dhintay in weli Shabakadda Facebook uu ka furan yahay akoonnadii iyo bogaggii ay ku lahaayeen.

9. Sidoo kale waxaa la ogaaday in celcelis ahaan boqolkiiba 9 bogagga iyo akoonnada ka furan Facebook ay yihiin kuwa been abuur ah ama khiyaamo loo samaystay.

10. Facebook waxa ay kaydisay oo ay haysaa wax kasta oo aad ku qortay facebook xitaa haddii aanad dadka oo dhan tusin ama boggaaga soo dhigin si saaxiibbadaa oo dhami u arkaan.

11. Maalin kasta Facebook waxaa lagu soo raraa, ama laga dejistaa qiyaas ah 300 oo Milyan oo sawir, sawirkii ugu horreeyey abid ee la soo dhigay laguna faafiyey waxa uu ahaa sawirka jilaaga filimada Maraykanka Alfredo James oo caan ku ah Al Pacino.

12. Tirokoobyo la sameeye ayaa lagu ogaaday in dadka isticmaala talefannada casriga ah iyo aaladaha la mid ah sida Tablet iyo iPad ay celcelis ahaan maalin kasta 14 jeer Facebook ka galaan.

13. Facebook waxa uu la socdaa oo uu og yahay bog kasta oo internet ka ah oo aad booqato adiga oo facebook ka dhex gasho, xitaa haddii aanad markaas gudaha ugu jirin (Sign in) boggaaga oo aad ka baxday.

14. Daqiiqad kasta 1 Hal Miylan iyo 8 boqol oo kun oo jeer ayaa la taabtaa Like.