Adeeg Lagu Soo Kordhiyey Talefannada Casriga Ah Oo Qofka Ka Caawinaya In Aanu Ku Hurdo Seegin

0
677

London (Geeska)- Idaacadda BBC laanteeda dibadda la hadasha ayaa dhowaan sii deysay warbixin ka warramaysa adeeg cusub oo lagu soo daray talefannada iyo qalabka kale ee casriga ah, kaas oo u gaar ah waqtiga hurdada ee habeenkii, waxaana loo bixiyey “Bed Mode” Warbixintan uu Geeska Afrika soo akhriyey waxaa lagu sheegay in adeeggan cusub lagu sameeyey talada Professor Paul Greengras oo ah dhakhtar ruug-caddaa ah oo ka tirsan cisbitaala Evelina ee magaalada London.

Dr. Greengras oo ku takhasusay caafimaadka hurdada carruurta ayaa si weyn uga digay ilayska LED loo yaqaanno ee talefannada casriga ah, kaas oo maskaxda aadamaha ka khalkhaliyaan saacadda dabiiciga, ee ay ku garan karto waqtiga hurdada si ay jidhka ugu so odeyso hormoonnadii keeni lahaa lulada. Dhakhtarku waxa uu shirkadaha qalabkan soo saara kula taliyey in ay masuuliyad isa saaraan, si jidhka qofku aanu u joojin soo deynta hormoonkaas hurdada ee Melatonin oo sida dabiiciga ah marka ay maskaxdu madowga habeennimo aqoonsato ay soo deyso. Laakiin ilayskan talefannada casriga ah oo la mid ah kan maalinta ayaa maskaxdu u qaadanaysaa in weli maalin lagu jiro sidaa awgeed hormoonkan hurdada aanay soo deynayn, aakhirkana waxa ay qofka ku keenaysaa khalkhal dhinaca hurdada ah.

Dhakhtarkan Ingiriiska ahi waxa uu sheegay in ilayska talefannadan soo saaraan oo aad u fiican yahay maalintii, laakiin ceebtiisu ay tahay habeenkii, oo ay qofkii isticmaala ku keenayso hurdo la’aan.

Adeeggan cusub ee uu dhakhtar Greengaras ikhtiraacay ayaa ah in talefanku uu qofka siiyo fursad marka ay habeenkii noqoto uu ku dooran karo, kadibna meesha ka saaraya ilayskii hurdada kaxaynayey oo ay dhacayso in qofku isaga oo adeegsanaya talefanka ama aaladdii kale uu luloodo sida caadiga ah, kadibna iska seexdo marka uu sii wadi kari waayo. Waxa uu dhakhtarku dadka kula taliyey in ay adeeggan ay ka dhigaan mid isagu is maamulaya oo marka ay habeen noqoto si toos ah talefanka ugu diyaarinaya xaaladdaas habeennimo si aanay u dhicin in mararka qaarkood la illaawo.

Cilmibaadhis hore oo lagu sameeyey dalka Ustareeliya ayaa iyada lagu sheegay in jinsigu aanu ahayn waxa ugu horreeya ee uu ninku ka fikiro, balse ay ka horreyso cuntada oo uu aad u daneeyo, waxa aana laga yaabaa in ay tahay sababta hore loogu yidhi, “Jidka ugu dhow ee qalbiga ninka lagu gaadhi karaa waa iyada oo la maro calooshiisa”